Trump oo weeraray maxkamad ka xukmisay siyaasad gaar u ah

Image

WASHINGTON, US – Madaxwayneynaha Mareykanka Donald Trump ayaa gaashaanka ku dhuftay go’aanka maxkamad heer federaal ah ay ku hor-istaagtay siyaasadiisa ka dhanka ah soogalootiga ku sugan xadka Mexico.

"Xeer-ilaaliyaha 9aad ee Circuit waxay xukmieysa in Mexico ay halis ku tahay muhaajiriinta," ayuu ku yiri qoraal uu soo bandhigay bartiisa Twitter-ka. Isaga oo raaciyay "Sidaasi awgeed waxay cadaalad daro ku tahay Mareykanka."

Siyaasada Trump ayaa dib ugu celineysa soogalootiga xuduudka Mexico kuwaasi oo sugaya go’aan maxkamadeed hadii ay baaqi kusii ahaan karaan gudaha dalka dunida ugu gobolada badan.

Hay’adda socdaalka Mareykanka ayaa ku sheegtay soogalootiga ku sugan sohdinta in ay gaarayaan 100-kun, taasi oo ka dhigaysa tiradii ugu badneed taariikhda tobanaan sano kadib.

Xeer-ilaaliyaha degmada 9aad ee San Francisco oo amray in siyaasada ka dhanka ah muhaajiriinta aysan shaqayn karin illaa iyo 12-ka April ayaa siiyay mas'uuliyiinta Mareykanka fursad ah ay racfaan ku qaadan karaan.

Xukunka maxkamada ayaa imaanaya iyada oo ay is-cishay wasiirada amniga gudaha Mareykanka kadib is-fahan daro soo kala dhex-galay iyada iyo maamulka Trump oo olalaha ku galay in uu xakameynayo soogalootiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran: Maraykanka kula xisaabtami doonaa Haddii Israel Weerarto Goobaheena Nukliyeerka 

Israel ma aysan xaqiijin qorshe kasta oo weerar ah, balse madaxda sare ee dalkaasi oo uu ku jiro Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu.

  • Caalamka

    22-05-2025

  • 02:53PM

Falkii Toogashada ee Madxafka Yahuuda ee Washington, D.C. – Faahfaahin Cusub

Dhinaca kale, dhacdadan ayaa xusuusinaysa weerarkii hore ee ka dhacay Madxafka Xusuusta Holocaust ee Washington, D.C., bishii Juun 2009.

  • Caalamka

    22-05-2025

  • 09:47AM