Turkiga iyo Mareykanka oo heshiis ka gaarey howlgalka Suuriya

Image

ANKARA, Turkey – Turkiga ayaa ogolaadey in uu si ku meel gaar ah u hakiyo howlgalkiisa ka dhanka ah Kurdiyiinta Suuriya, una fasaxo in ay ka baxaan xuduudka, madaxweyne ku xigeenka Mareykanka, ayaa yiri kadib safariisa Ankara.

"Mareykanka iyo Turkiga waxay isku afgarteen xabad joojin ka dhaqan-gasha Suuriya," Mike Pence ayaa sidaas ka sheegay kadib shir jaraa'id oo ay wada qabteen Wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka, Mike Pompeo.

Xabad-joojinta xoogaga uu barataaro Turkiga iyo Kurdiyiinta ayaa dhaqan-geli doonta 120-ka saacadood ee soo aadan, sida laga soo xigtay Pence.

Tani ayaa ka dhigan in ciidanka Kurdiyiinta ay faarujin doonan 20-mile oo xadka Suuriya ah, halkaas oo Turkiga uu ka doonayo "aag nabad-gelyo ah".

Is-afgaradka ayaa baajin doona colaada lagu sifeeyay "midda ku meel gaarka ah". Marka "midda joogtada ah" ay imaan lahayd, Donald Trump wuxuu joojin doonaa cunaqabateyno kale oo ka dhan ah Ankara, Pence ayaa ku sharaxay.

Geedi u socodka bixitaanka maleyshiyaadka Kurdiyiinta ayaa waxaa fududeyn doona Mareykanka, Pence ayaa xusay isaga oo aan tafaasiil dheeri ah bixin.

Sidda uu ka dhawaajiyey Pence, Ankara ayaa balanqaadey in ay joojin doonto howlgalka marka maleyshiyaadka Kurdiyiinta ay si dhameystiran uga hayaamaan sohdinta ku teedsan Turkiga lana sameeyo Aag hubka ka caagan.

Wafdiga Mareykanka ayaa nan ka xishooneyn in ay cod dheer ku sheegay "guulahooda", madaxweyne Donald Trump iyo dhigiisa Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayay ku bogaadiyeen xiriirka fiican ee ka dhaxeeya.

Trump qudhiisa waxa uu soo dhaweeyay xabad-joojinta, isaga oo ku nuux-nuux saday "in jaceyl adag" uu mudan yahay heshiiska wanaagsan ee ay gaareen labadda dowladood ee kawada tirsan gaashaanbuurte NATO.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM