Turkiga oo ka hadlay xaaladda Al-Baqdaadi xili la sheegayo in "la dilay"

Image

ANKARA, Turkey – Mas'uul sarre oo ka tirsan dowladda Turkiga ayaa wuxuu la hadlay xaaladda hogaamiyaha Daacish, Abuubakar Al-Baqdaadi, xili la sheegayo "in la dilay".

Wakaaladda wararka afka dheer ee Reuters ayaa mas'uulkan aan la magacaabin kasoo xigtay in Baqdaadi uu goobta duulaanku ka dhacay tagay 48-saac kahor inta aan la fulin.

Balse wuxuu ka gaabsaday sarkaalkan in uu xaqiijiyo in Al-Baqdaadi uu ku geeriyooday gulufkaas la sheegay in uu aad u qorsheysanaa.

Ciidamadda Mareykanka ayuu xusay in ay kusoo wargeliyeen howlgalka oo ka dhacay magaaladda Idlib ee waqooyi barri Suuriya.

"Turkiga wuxuu sii wadi doonaa in uu dhinacyadda ku dhow isugu duwo howlgaladooda," ayuu hadalkiisa raaciyay.

Xeel-dheereyaasha ayaa hadalkan ku macneeyay in ugu yaraan xukuumadda Ankara ay kaalin ka qaadatay khaarijinta Baqdaadi, waase hadii la xaqiijiyo.

Wasaaradda Gaashaandhiga xukuumadda Washington ayaa laga soo xigtay in ay rumeysan yihiin in Baqdaadi ku dhintay howlgalka.

"Balse ma hubno in howlgalku ahaa mid guuleystay," ayuu raaciyey sarkaal magaciisa qariyey oo saxaafadda xogta u dusiyey.

Donald Trump ayaa lagu wadaa in uu saacadaha soo aadan soo saaro "war-saxaafadeed weyn" oo la aaminsan yahay in uu daaran yahay howlgalka ay ka fuliyeen dalkan Carbeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM