Turkiga oo ka hadlay xaaladda Al-Baqdaadi xili la sheegayo in "la dilay"

Image

ANKARA, Turkey – Mas'uul sarre oo ka tirsan dowladda Turkiga ayaa wuxuu la hadlay xaaladda hogaamiyaha Daacish, Abuubakar Al-Baqdaadi, xili la sheegayo "in la dilay".

Wakaaladda wararka afka dheer ee Reuters ayaa mas'uulkan aan la magacaabin kasoo xigtay in Baqdaadi uu goobta duulaanku ka dhacay tagay 48-saac kahor inta aan la fulin.

Balse wuxuu ka gaabsaday sarkaalkan in uu xaqiijiyo in Al-Baqdaadi uu ku geeriyooday gulufkaas la sheegay in uu aad u qorsheysanaa.

Ciidamadda Mareykanka ayuu xusay in ay kusoo wargeliyeen howlgalka oo ka dhacay magaaladda Idlib ee waqooyi barri Suuriya.

"Turkiga wuxuu sii wadi doonaa in uu dhinacyadda ku dhow isugu duwo howlgaladooda," ayuu hadalkiisa raaciyay.

Xeel-dheereyaasha ayaa hadalkan ku macneeyay in ugu yaraan xukuumadda Ankara ay kaalin ka qaadatay khaarijinta Baqdaadi, waase hadii la xaqiijiyo.

Wasaaradda Gaashaandhiga xukuumadda Washington ayaa laga soo xigtay in ay rumeysan yihiin in Baqdaadi ku dhintay howlgalka.

"Balse ma hubno in howlgalku ahaa mid guuleystay," ayuu raaciyey sarkaal magaciisa qariyey oo saxaafadda xogta u dusiyey.

Donald Trump ayaa lagu wadaa in uu saacadaha soo aadan soo saaro "war-saxaafadeed weyn" oo la aaminsan yahay in uu daaran yahay howlgalka ay ka fuliyeen dalkan Carbeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM

Madaxweynaha Suuriya oo gaaray Maraykanka kadib markii laga saaray liiska argagixisada

Safarka Al-Sharaa ayaa loo arkaa mid calaamad u ah isbedel cusub oo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Washington iyo Dimishiq.

  • Caalamka

    09-11-2025

  • 07:15AM