Turkiga oo nolosha ku qabtay gabar la dhalatay Abuubabar Al-Baqdaadi

Image

ANKARA, Turkey – Turkiga ayaa si rasmi ah wuxuu ku dhawaaqay in uu qabtay gabar la dhalatay hogaamiyihii la dilay ee Daacish, Abuubabar Al-Baqdaadi.

Mas'uuliyiinta ayaa shaaca ka qaaday in ay haweenaydaan gacanta ku dhigeen Isniintii kadib howlgal balaaran oo aad loo qorsheeyay.

Saraakiisha ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in Rasmiya Awad laga soo xiray tuuladda Azaz ee dhacda Waqoyga waddanka Suuriya.

"Iyadda, seygeeda iyo gabar kale oo sodoh-deeda ah waxaan waydiineynaa su'aallo," ayaa laga soo xigtay saraakiisha.

Madaxweyne Donald Trump ayaa bishii October ee lasoo dhaafay shaaciyey in Al-Baqdaadi uu ku dhintay howlgal ay sameeyeen ciidamada Mareykanka.

"Waxaa rajeynaynaa in ay bixin doonaa macluumaadyo sirdoon oo ku saabsan shaqadda ISIL iyo Baqdaadi," ayey raaciyeen saraakiisha Turkida.

Baqdaadi oo "isku qarxiyey god dhulka hoostiisa ah markii ciidamaddu hareeyeen hoygiisa" ayaa wuxuu noqday qofkii loogu raadinta badnaa aduunka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM

Madaxweynaha Suuriya oo gaaray Maraykanka kadib markii laga saaray liiska argagixisada

Safarka Al-Sharaa ayaa loo arkaa mid calaamad u ah isbedel cusub oo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Washington iyo Dimishiq.

  • Caalamka

    09-11-2025

  • 07:15AM