Turkiga oo shaaciyey in uu gacanta ku dhigay xaaska Baqdaadi

Image

ANKARA, Turkey – Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa shaaca ka qaadey in ciidamada dalkiisa ay qabteen xaaska hogaamiyihii Daacish, gabar la dhalatay iyo dumaashigeeda.

"Mareykanka wuxuu sheegay in [Abuubabar] Al Baqdaadi isku dilay god dhulka hoostiisa ah. Waxay bilaabeen olole xiriirtaan ah oo ku saabsan arrintaan," ayuu Erdogan ka sheegay xaflad.

Munaasabadda oo ka qabsoontay Jaamacad ku taala Ankara ayaa wuxuu Erdogan ku bixiyey tafaasiil dheeri ah.

Haweeneyda oo marwadiisa lagu sheegay lama shaacin magaceeda. Balse waxaa lagu qeexayaa in ay tahay "xubin muhiim ah oo reerkiisa kamid ah".

"Balse aniga waxaan kaga dhawaaqayaa halkaan markii ugu horeysay; waxaan qabanay xaaskiisa nama aysan dhibin sida iyaga. Si lamid ah waxaan qabanay walaashiisa iyo seeddigeed".

Rasmiya Awad, Baqdaadi walaashiis, oo laga qabtay waqoyga Suuriya, ayaa qoyskeeda kula nooleed Konteenar dhexdiisa, sidda laga soo xigtay saraakiisha Turkida ah ee qabtay.

Bishii August ee sanadkan, maxkamad ku taala Ciraaq ayaa dil toogasho ku xukuntay gabar kale oo la sheegay in ay la dhalatay Baqdaadi. Balse, lama soo bandhigin magaceeda.

Markii ay xaqiijisay geerida Baqdaadi, ISIL ayaa iclaamisay in Abu Ibrahim al-Hashemi al-Quraishi uu yahay Amiirkeeda cusub. Al-Quraishi ayaa ka tirsanaa Golaha Shuurada ee Daacish.

Mas'uul sarre oo Ameerikaan ah ayaa todobaadkii hore tilmaamay in Washington ay si qoto dheer ula socon doonto dhaqdhaqaaqa Al-Quraishi soona bandhigeyso macluumaadkiisa.

Hogaamiyeyaasha caalamka ayaa soo dhaweeyay geerida Baqdaadi balse waxay ka digeen qaarkood in wali kooxda la magac-baxday Dowladda Islaamka aanan laga ciribtirin guud ahaan dunida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

CC Warsame: Xasan Sheekh wuxuu rabaa doorasho isaga tartame iyo garsoore ka yahay

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa xusay in tallaabadani ay calaamad u tahay marxalad halis ah oo uu dalku galay.

  • Caalamka

    02-04-2026

  • 03:54PM

Maraykanka oo ka Qaaday Cunaqabatayntii Saarnayd Madaxweynaha Venezuela 

Muddadii 90-ka maalmood ahayd ee hore loogu qabtay ayaa ku eg maalinta Jimcaha ah ee soo socota.

  • Caalamka

    02-04-2026

  • 10:39AM