Turkiga oo xabsi daa’in ku xukumay 47 ku eedeysan qaraxyo

Image

ISTANBUL, Turkey – Maxkamad ayaa 47 ruux oo ku eedeysan qaraxyo ka dhacay magaaladda caasimada ah ee Istanbul ku xukuntay xabsi daa'in.

Weerarada loo haystay shaqsiyaadkaan oo dhacay December 2016-kii ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 40 qof.

Qaraxyadda mataanaha ee loo xukumay dadkan oo ay ku dhaawacmeen 39 sarkaal Boolis iyo 243 rayid ayaa ka dhacay dibada garoonka koxoda Besiktas.

Sidoo kale, xeer-beegtada ayaa 10 qof oo kale waxay garka u gelisay in ay xabsi ku qaataan inta ka dhiman noloshooda.

Dadkaan oo la xiriiriyey kooxda PKK ayaa iyagana loo xukumay in ay qorsheynayeen weeraro iyo dilal abaabulan.

Bishii Janaayo ayay ahayd markii xeer-illaalinta Turkiga ay xabsi daa'in ku xukuntay shaqsiyaad kale oo la tuhunsanaa.

Sidda ku cad warbixinta dacwad oogeyaasha, waxaa lagu soo oogay in ay sameeyeen ficilo kasoo horjeeda midnimada iyo midowga qaranka.

In ka badan tobban sano oo uu Turkigu la dagaalamayo PKK, oo dalkaasi laga mamnuucay ayaa weerarada ay kooxdaasi fulisay waxaa ku geeriyootay 40,000 qof.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM