Turkiga oo xerro uu ka dhisay Qadar ugu magacdaraya Khalid bin Walid

Image

DOOXA, Qadar – Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa wuxuu shaaciyey in la dhameystiray dhismaha saldhig milatari oo ay ka hirgeliyeen waddanka Qadar.

Erdogan oo la hadlayey askarta Turkiga ka joogta Qadar oo tiradoodu tahay shan kun ayaa sheegay in xeradan ay xoojineyso nabadda iyo xasiloonida gobolka.

Saldhiga cusub oo dhismihiisa ay qaadatay muddo sanado ah ayaa waxaa si wadajir ah uga howlgeli doona ciidamadda milatariga dalalka Turkiga iyo Qadar.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, Erdogan ayaa daboolka ka qaaday in xeradda cusub loogu magacdari doono Saxaabiga caanka ah ee Khaalid binu Waliid.

Khaalid waa mid kamid ah Jeneraaladda Muslimiinta kuwooda ugu wanaagsan ee hogaamiyey ciidamadda Nabi Maxamed NNKH, qarnigii todobaad.

Sidoo kale, waa xeeldheere aad u yaqaana xeeladaha dagaaladda, taas oo keentay in Nabi Maxamed uu ugu yeero "Seeftii Alle".

Hogaamiyaha Turkiga ayaa booqashadiisa Qadar kusoo aadeysaa xili Dooxa dooneyso in ay ka iibsatay Ankara 100 xabo gaadiid oo kuwa dagaalka ah.

Qadar iyo Turkiga ayaa waxay leeyihiin xiriir wanaagsan kaasoo xoogeystay kadib go'doomintii ay Dooxa geliyeen wadamadda Khaliijka.

Ankara ayaa xayiraadaas kadib u gurmatay Qadar oo ay siisey taageero maaliyadeed, mid milatari iyo maciishadda oo aad ugu yaraatay.

"Marnaba kama tagi doono saaxiibadeena taariikhiga ah ee wajahaya halista iyo hanjabaadda, marnaba kama tegi doono," ayuu Erdogan ku adkeystay.

Bishii June 2017-kii, Sacuudiga, Imaaraadka, Baxreyn iyo Masar ayaa ku dhaleeceeyay Qadar in ay taageerto argagixisadda, eedeyntaas oo ay Dooxa beenisay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM