UN-ka oo dalbaday xabad-joojin caalami ah si loola tacaalo COVID-19

Image

NEW YORK, US – Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, ayaa wuxuu ku baaqay xabad-joojin caalami ah ka dhaqan-gasha aduunka oo idil si loola dagaalamo fayruska faafa ee Corona.

Madaxa Jamciyada Qurumaha Ka Dhaxeysa ayaa yiri "waxaa la joogaa waqtigii aynu dhigi lahayn qoryaha isla markaana aan diiradda saari lahayn siddii aynu u badbaadin lahayn nolosheena".

Guterres ayaa rumeysan in dunida ay hadda wajaheyso "cadow guud" oo uu ku sheegay COVID—19, kaasoo uu hoosta ka xariiqay "in uusan waxba ka gelin qaran, qowmiyad, garab ama diin".

Dumarka, caruurta, dadka aanu lixaadkooda u dhameyn iyo barakacyaasha ku sugan goobaha colaadaha ayuu xusay in ay yihiin kuwa aadka ugu nugul marka ay timaado geerida COVID-19.

Soomaaliya, oo ilaa iyo haatan laga xaqiijiyey hal kiis oo caabuqaas ah, ayaa kamid ah wadamada caalamka gaar ahaan Afrika ee colaaduhu ay ka jiraan tobanaan sano.

Maleeyshiyaadka Al-Shabaab ayaa lagu tilmaamay khatarta ugu weyn ee amniga Qaranka. Kooxdu waxay geysataa dilal,, qaraxyo iyo weeraro ay ku beegsato fariisimaha Ciidamada Dowladda.

Guud ahaan dunida, xanuunka ayaa dilay in ka badan 13-kun oo ruux. Wadarta guud ee kiisaska lasoo wariyey waxay ka badan tahay 200-kun. Qaaradda Afrika oo 41 waddan uu gaarey waxaa ka jira kun kiis.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xaaladda Telefoonnada Dahabka ah ee Trump: Dadkii Lacagta bixiyay oo weli sugaya

Aanay ka dhignayn heshiis iib oo dhammaystiran ama ballanqaad ah in qofka loo soo rari doono qalabkaas.

  • Caalamka

    12-05-2026

  • 11:49AM

Hamad bin Jassim: Netanyahu Dagaalka Iran wuxuu u Adeegsanayaa Dib-u-Habeynta Bariga Dhexe

Wuxuu sheegay in dowlado badan oo Mareykan ah ay hore uga caga jiideen dagaal buuxa oo lala galo Iran.

  • Caalamka

    11-05-2026

  • 01:06PM