UN: Mareykanka wuxuu caruurta ula dhaqmaa si axmaqnimo ah

Image

WASHINGTON, US – Warbixin kasoo baxday Qaramada Midoobay ayaa daaha looga rogay in Mareykanka uu yahay dalka ugu badan ee caruurta lagu xiro.

Cilmi baarista oo sanadleh isla markaana laga sameeyo wadamada caalamka ayaa waxay soo baxday todobaadkan aynu ku jirto.

Daarasadda Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa waxay sheegeysaa in caruurta la xiray ay ku jiraan qaar qaxooti ah.

Tiradda qaxootiga ayaa la sheegayaa in 100-kun kuwaasoo lagu eedeeyay in ay ku xadgudbeen shuruucda caalamiga ah.

Marka laga hadlo dunida, caruurta saldhigyadda booliska la geeyay waxaa lagu sheegayaan inay gaarayaan todoba milyan.

Sidda laga soo xigtay warbixinta, dhamaantooda waxay ku guda jiraan da'da 18-sano jir, taasoo ka hor-imaaneysa xeerarka caalamiga ah.

Manfred Nowak, baaraha madaxa banaan ee arrintaan u dhabagalay, ayaa xusay in caruurta qaarkood la geliyay xarumo gaaraya 330-kun.

Maamulka madaxweyne Donald Trump ayaa si gaar ah waxaa loogu eedeeyay in ay kala geeyaan caruurta iyo qoysaskooda taasoo meel ka dhac ah.

"Waa caado aan meel kaga jirin bini'aadanimadda, waana axmaqnimo," ayuu khabiirka ku daray hadalkiisa, isaga oo soo jeediyay wax ka qabasho degdeg ah.

Tan iyo markii uu xafiiska yimid, Trump ayaa caan ku noqday siyaasadiisa liddiga ku ah soo galootiga, taasoo kordhisay xariga caruurta iyo musaafurinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM