Sheekh Soomaali ah oo lagu eedeeyay tacadi jinsi oo lasoo tarxiilayo

Image

WASHINGTON, US – Shaqsi Soomaali ah, oo la sheegay in uu wadaad ka ahaa magaalada Houston, gobolka Texas ee Mareykanka, ayaa lagu eedeeyay in uu ku xadgudbay afar caruur ah tan iyo 2013-kii.

Maxamed Cumar Cali, 59-jir, oo la xiray todobaadkii hore ayaa wajahaya saddex dacwadood oo ah in uu si sharci darro ah ku haystay caruur iyo hal dacwad oo ah in uu tacadi ah jinsi ah kula kacay caruur.

Mas'uuliyiinta ayaa qoraal ku sheegay in Cali uu "si miyir leh ula haasaawayey caruurta" tan iyo dhamaadka sanadkii 2013-kii.

Cali ayaa ahaa Imaam Masjid iyo Macalin Dugsi Qur'aan. Ma jiraan illo madax banaan oo xaqiijinaya eedeymaha loo haysto.

"Waxaan aaminsanahay in dhibaneyaashiisu isugu jiraan kuwa degaanka ah iyo qaar muwaadiniin ah," ayuu lagu yiri warka qoraalka.

Bayaanka ayaanan lagu soo bandhigin magacyadda caruurta la sheegay in uu "faraxumeeyay" Maxamed Cumar Cali.

Eedeysanaha oo haatan ku jira xabsi ay maamusho Hay'adda Socdaalka ayaa la filayaa in baaritaano dheeraad ah lagu sameeyo.

Warbaahinta Mareykanka qaarkeed ayaa ku warameysa in ay suurtogal tahay in lasoo tarxiilo isla markiiba lasii daayo "maadaama dambiyaddu ku cad-cad yihiin".

Soomaali badan ayaa horey loogu xiray Mareykanka iyagoo lala xiriirinayo argagixiso ama fal-dambiyeed ay ku lug-yeesheen, hase ahaatee, gal-dacwadeedka lagu soo oogay Maxamed waa mid naadir ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel oo la wadaagtay Maraykanka walaaca ay ka qabto Gantaallada cusub ee Iran 

Iran ayaa cashar lama iloobaan ah u dhigtay Israel bishii June, oo ku qaadey weeraro gantaallo oo Tel Aviv iyo Haifa ka dhigay sidii Gaza.

  • Caalamka

    22-12-2025

  • 07:47AM

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM