​USA: Trump oo lala cararay, doorashada oo labo bari ka hartay

Image
Image

WASHINTONG, USA- Labo maalin oo qura ayaa ka hartay doorashada Madaxtinimada waddanka Maraykanka, taasoo la qorshaynayo in dadweynuhu goobaha codbixinta u dareeraan maalinta Salaasada ee fooda nagusoo haysa.

Murashaxiinta kala matalaysa labada xisbi ee dalkaas Donald Trump iyo Hinlry Clinton, ayaa dadaal ugu jira sidii ay ugu soo bixi lahaayeen hogaanka dalkaas.

Waxaa maalintii Sabtida ee aan soo dhaafnay loollan xoog leh ka sameeyeen qaar kamid ah gobollada dalkaas.

Musharaxa xisbiga Jamhuuriga Donald Trump ayaa taageerayaashiisa kula hadlay gobollada North Carolina, Florida, Colorado, iyo Nevada, halka sidoo kalana la filayo in Ololihiisa Sabtiga kusoo xiro gobolka Minnesota oo taariikhiyan ay mar walba ku guuleystaan Dimoqraadiga.

Musharaxa kale, Hillary Clinton oo u tartameysa xisbiga Dimoqraadiga ayaa waqtigeedii ugu badnaa Sabtida gelisay gobolka Florida, oo ah gobol dhaqan ahaan go,aan ka gaara doorashooyinka madaxtinimada Mareykanka.

Marwo Clinton waxay kaloo ka ololeeysay magaalada Philadelphia ee gobolka Pennsylvania.

Dhanka, kale Murashaxa Xisbiga Jamhuuriga Donald Trump, ayaa lala cararay isagoo ku sugan gobolka Nevada, halkaas oo ka jeedinayay khudbad la xiriirta arrimihiisa doorashada.

Kooxdiisa qaabilsan dhinaca ammaanka, ayaa mar qura garba-duub uga saaray goob uu hadal ka jeedinayay, kadib markii ay ka shakiyeen ruux ku hubaysnaa Qori.

Ma jirto cid faah faahin ka bixisay dhacdadaas, waxaase dadweynihii isu soo baxay lagu wargaliyay inay rabshad yar jirto.

Murashaxan oo inta badan lagu bartay aflagaadayn, ayaa hadda ka hor 21.06.2016, waxaa booliisku gacanta ku dhigeen ruux doonayay inuu khaarajiyo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM