​Nin isku dayay inuu toogto Donald Trump

Image

Maxkamad ku taalla magaalada Las Vegas ee dalka Maraykan-ka, ayaa lasoo taagay nin isku dayay inuu toogto murashax xisbiga Jamhuuriga  Donald Trump, kaasi oo maalintii sabtida ee lasoo dhaafay halkaasi ku lahaa olole qayb ka ah murashaxnimadiisa.

19-jirkan eedaysanaha  ah oo lagu magacaabo, Michael Sandford, ayaa isku dayay falkaasi isagoo damcay inuu qori ka dafo Askari booliis ah.

Ma qiran kiiska lagu soo eedeeyay Michael Sandford, balse qaar kamid ah dacwad oogayaasha maxkamadda ayaa shaaciyay in ninkaasi qirtay dambiga loo haysto.

Balse, qaar kamid ah difaacayaasha ninkan, ayaa tilmaamay inuu madaxa ka xanuunsanayo maadama uu yahay shaqo la'aan.

Michael Sandford, ayaa haysta laysanka darawilnimada Britain, waxaana la sheegay inuu dalkaasi ku joogo sharci darro maadama uu ka dhacay dal ku galkii uu haystay.

Dhacdadan, ayaa imaanaysa xilli murashaxa xisbiga Jamhuuriga dhawaan madaxda dalka Maraykanka ku eedeeyay inay ka gaabiyeen sugitaanka amniga islamarkaana wax ka qabtaan sharciga lagusoo galayo dalka Maraykanka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM