Vladimir Putin iyo Kim Jong-un oo kulmay markii ugu horeysay

Image

VLADIVOSTOK, Russia – Hogaamiyeyaasha dowladaha Ruushka iyo Kuuriyadda Waqooyi ayaa sameeyay is-gacan-qaad taariikhi ah kadib markii ay kulmeen markii ugu horeysay.

Vladimir Putin iyo Kim Jong-un ayaa ku kulmay jasiizadda Russky oo ka baxsan magaalada Vladivostok bariga dal-waynaha Raashiya.

Labada mas'uul ayaa lagu wadaa in ay yeeshaan kulan madaxeed kaasi oo diirada lagu saarayo qodobo kala duwan oo xasaasi ah.

Ajenadaha shirka ayaa ah Nuk-liyeerka, xiriirka Washington and Pyongyang iyo cilaaqaad u bilowday dowladaha Ruushka iyo Kuuriyada Waqooyi.

In ka badan 300 suxufiyiin oo caalamka isaga kala timid ayaa dhacdadaan si toos ah uga soo tabinaya bariga fog ee dhulka Qaboobaha caanka ku ah.

Kim-ka hadda talada haya aabihii, Kim Jong-il kaasi oo geeriyooday, ayaa u socdaalay Ruushka sanadkii 2011-kii kahor inta uusan hogaamiyaha waqti xaadirkaan ee Kuuriyada Waqooyi uusan talada la wareegin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM