WHO oo ka digtay khafiifinta xayiraadaha safmarka Coronavirus

Image

NEW YORK, US - Madaxa hay'adda caafimaadka adduunka (W-H-O) ayaa ka digay in xilligan la debciyo xayiraadaha ay dalalka soo rogeen Fayraska Korona awgii, isagoo sheegay in cudurka uu hadda galay xaalad khatar ah.

Dr Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa sheegay in Khamiistii uu keliya ay W-H-O diiwaangelisay in ka badan 150,000 oo kiis oo cudurka ah, taasoo ah tiradii ugu badneyd ee maalin qura la shaaciyay.

Waxa uu intaa raaciyay inuu dareensan yahay dhibaatada ay xayiraadaha ku hayaan bulshada iyo dhaqaalaha, balse waxa uu ku baaqay in dalalka ay muujiyaan taxadar dheeraad ah.

"Fayrasku weli si xawli ah ayuu u faafayaa, waana mid dilaa ah oo dad badan ku dhici kara. Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan dalalka caalamka iyo shacabkaba inay muujiyaan taxadar dheeraad ah, ayna joogteeyaan kala fogaanshaha, in guryaha ay joogaan dadka xanuunka qaba, la daboolo afka iyo sanka marka la qufacayo, maaskaraha la xirto marka ku haboon, iyo in gacmaha la dhaqo," ayuu yiri Dr Tedros.

Digniinta W-H-O ayaa kusoo beegmaysa xilli dalal ay kamid tahay Britain ay hoos u dhigeen heerka khatarta cudurka, isla markaana ay dowladuhu qaadeen xayiraado badan oo dalalkooda saarnaa.

Dhanka kale mas'uuliyiinta caafimaadka ee Shiinaha ayaa sheegay in nooca fayraska maalmahan ku faafayay caasimadda Beijing ay suuragal tahay inuu uga yimid dhanka Yurub.

Guud ahaan caalamka oo dhan ku dhawaad 8.5 milyan oo qof ayaa qaaday cudurka, halka in ka badan 453,000 ay u dhinteen.

BBC

Related Articles

Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

  • Caalamka

    12-11-2025

  • 01:45PM

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM