Waa Kuma Mojtaba Khamenei? Hoggaamiyaha Cusub ee Iiraan

Image

Mojtaba Khamenei waa wadaad Shiico ah oo ka tirsan qoyska ugu awoodda badan siyaasadda Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan. Wuxuu yahay wiilka labaad ee hoggaamiyihii hore ee dalka, Ayatollah Ali Khamenei, oo dalka hoggaaminayay tan iyo sanadkii 1989.

Mojtaba Khamenei wuxuu ku dhashay magaalada Mashhad sanadkii 1969. Waxbarashadiisa diimeed wuxuu ku qaatay xarumaha diinta ee magaalada Qom, halkaas oo ay ku yaallaan dugsiyada ugu waaweyn ee culimada Shiicada.

Inkasta oo uusan muddo dheer haynin xil siyaasadeed oo si rasmi ah loo shaaciyey, Mojtaba Khamenei waxaa si weyn loogu yaqaanay inuu ahaa shaqsi si dhow ugu lug lahaa go’aamada siyaasadda iyo amniga ee dalka. Waxaa la sheegay inuu xiriir dhow la leeyahay Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah (IRGC), kuwaas oo door muhiim ah ka ciyaara nidaamka amni iyo milatari ee Iiraan.

Muddo sanado ah, falanqeeyayaal badan ayaa u arkayay Mojtaba Khamenei inuu ka mid yahay dadka ugu saamaynta badan gudaha nidaamka Iiraan, inkastoo uu inta badan ka shaqeyn jiray gadaasha masraxa siyaasadda.

Doorashadiisa hoggaamiyaha sare ee dalka ayaa ka dhigaysa shaqsiga ugu awoodda badan Iiraan, maadaama xilkan uu maamulo ciidamada, siyaasadda istaraatiijiga ah iyo jihada guud ee dowladda, halka madaxweynaha dalka uu inta badan maamulo howlaha maalinlaha ah ee maamulka.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Saudi Arabia iyo Kuwait oo Qaaday Xannibaadihii Hakiyay qorshaha Trump ee Hormuz

Labada dal ayaa horay u xaddiday adeegsiga saldhigyadooda si ay uga fogaadaan inay qayb ka noqdaan iska horimaad toos ah.

  • Caalamka

    08-05-2026

  • 07:12AM

Militariga Mareykanka oo beeniyay sheegasho Iran ka soo baxday 

Iran ayaa marar badan ku andacootay weerarro ka dhan ah ciidamada Mareykanka ama xulafadiisa gobolka.

  • Caalamka

    04-05-2026

  • 12:15PM