Wadahadalada xabad-joojinta Libya oo lasoo dhaweeyay in dib loo bilaabo

Image

ABU DHABI, UAE – Masar iyo Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan hadalka kasoo yeeray dhinacyadda isku haya Libya ee ku aadan in ay ku heshiiyeen in dib loo bilaabo wadahadalada xabad-joojinta.

Sanadihii lasoo dhaafay, Egypt iyo UAE ayaa kamid ahaa xulafada ugu caansan ee taageera Jeneraalka awooda badan ee Khaliif Xaftar, oo xusul duub ugu jira qabashada caasimada Tripoli, tan iyo bishii April, 2019-kii.

Ololaha milatari ee ay wadaan xoogaga taabacsan Xaftar kana dhanka ah dowladda Qaramada Midoobay aqoonsan tahay ee ku sugan Tripoli ayaa wiiqay dedaalo hore oo xaalad dejin ah oo UN-ka garwadeen ka ahaa.

Dhowaan, Turkiga ayaa taageeray dowladda caalamka aqoonsan yahay oo dib ula wareegtay magaalooyin kala duwan oo dhaca Koonfur Galbeed iyo saldhiga ciidamadda cirka ah oo ku dhow xuduudka dalka Tunisa.

War-saxaafadeed wadajir ah oo kasoo baxay wasiiradda arrimaha dibadda Masar iyo Imaaraadka ayaa ku baaqay in si dhameystiran loo dhaqan-geliyo geedi u socodka siyaasadeed ee qorshaha shirkii UN-ka iyo Berlin.

Shirkii Berlin oo dhacay Janaayo ayaa dhaliyey dedaaladda xabad-joojinta, balse ma aysan fulin marka laga reebo in asbuucaan ay dhinacyadda ku lugta leh colaada ay shaaciyeen in ay u diyaar u yihiin in dib loo bilaabo.

Horaantii Arbacadii, wakaaladda wararka Ruushka ee RIA aya warisay in mas'uuliyiin sar-sare oo Liibiyaan oo uu ku jiro ra'iisul wasaare ku xigeenka Ahmed Maetig, ay ka dageen Moscow kahor wadahadaladda.

Ruushka ayaa u muuqanaya mid kamid ah laf-dhabaradda ugu tunka weyn colaadda tobanaanka sano ka aloolsan waddanka Libya.

Sidda laga soo xigtay warbixin sir ah oo laga soo dusiyey Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa, qandaraaslaha milatariga Ruushka ee Wagner Group ayaa 1,200 maleeyshiyaad ah u daabulay Libya si ay u xoojiyaan ciidamadda Xaftar. Waxay ku hubeysan yihiin qalab culus oo ah nooca Russia farsameyso.

Warbixinta ayaa daboolka ka qaadeysa in calooshood-u-shaqeystayaashaas ay laga dejiyey Libya intii u dhaxeysay August, 2018-19.

Wagner Group waa urur milatari oo gacansaar dhow la leh madaxweyne Vladimir Putin ama shirkado ka dhow. Badi maleeyshiyaadka ururkan ayaa kasoo jeeda wadamadda kala ah; Belarus, Moldova, Serbia iyo Ukraine.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Markab Gargaar oo ku Wajahnaa Gaza oo Israa’iil Qabatay

Gaza ayaa noqotay xabaalo dusha ka furan, iyadoo adduunka intiisa kale laga jaray, iyadoo aan la gelin karin gargaarka bini'aadanimo.

  • Caalamka

    09-06-2025

  • 06:01AM

Trump: Aniga iyo Elon Musk Xiriirkeennii wuu dhammaaday, Cawaaqib xun ayuu la la kulmi doonaa

“Waxaan u maleynayaa inay sidaas tahay, haa,” ayuu yiri Trump markii la weydiiyay haddii uu u maleynayo in xiriirkooda uu dhammaaday.

  • Caalamka

    08-06-2025

  • 08:56AM