Wafdi ka socda Golaha Ammaanka UN-ka oo kusii jeeda Itoobiya

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Xubno ka socda Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa booqanaya Itoobiya iyo Suudaanta Koonfureed dhamaadka bishan October, sidda uu sheegay Jerry Matjila.

Matjila, wakiilka joogtada ah ee Koonfur Afrika u fadhiya UN-ka, ayaa sidoo kale wuxuu yahay madaxweynaha Golahaas oo kamid ah qeybaha ugu muhiimsan Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa.

Wafdiga oo ku hor-maraya Itoobiya iyo xarunta Midowga Afrika ayaa inta u dhaxeysa 23-24 waxay wada hadalo sanadeed la qaadan doonan Guddiga Amniga iyo Nabadda ee ururkaas.

Maalinta xigta, iyadda oo uu wehlinayo safiirka Mareykanka ee UN-ka, Kelly Craft, taasoo xafiiska la wareegtay 12-kii September, waxay u kicitami doonan Juba, socdaal qaadanaya maalin.

"Ajendaha waa mid lasii diyaariyey; kulamo dhowr ahna waa lasii qorsheeyay inta safarkan ay ku jiraan," ayuu Matjila xusay.

Mas'uuliyiinta ayaa la filayaa in ay Addis Ababa ka dhoofaan 26-ka October ayna maalinta xigta ku laabtaan New York.

Inta ay ku guda jiraan socdaalkooda waxay kawada xaajoon doonan arrimo ku aadan Bariga Dhexe, diblumaasiyadda, howlgalada UN-ka ee Afrika, si lamid ah haweenka, amniga, nabadda iyo siyaasada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM