Walaaca ku saabsan in Trump uu helaalay Coronavirus oo sii kordhay

Image

WASHINGTON, US – Walwalka ku aadan in madaxweyne Donald Trump uu haleelay safmarka halista ah ee Coronavirus ayaa sii kordhay, sidda ay ku warantay warbaahinta gudaha waddanka Mareykanka.

Telefishinka CNN ayaa baahiyey in askari ka tirsan ciidanka badda Mareykanka gaar ahaan guutada sidda dhow ula shaqeysa Trump iyo qoyskiisa laga helay cudurkaas dunida aafeeyay.

Sidda ku xusan warbixinta Tv-ga, Trump ayaa aad u carooday kadib markii Arbacadii lagu wargeliyey arrintaan. Kahor inta aan lasoo bandhigin natiijadda, askariga ayaa dhowr jeer la baarey.

Hogan Gidley, ku xigeenka xoghayaha warfaafinta ee Aqalka Cad oo xaqiijiyey xaalada askariga, ayaa wuxuu tilmaamay in madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa laga baarey cudurka lagana waayey.

Illo wareedyo kala duwan ayaa laga soo xigtay in Trump lagu wargeliyey in askariga uu soo ritay xanuunka Arbacadii isagoo nasiino ku jira isla markaana waqti la qaadanaya dad kala duwan.

Tan iyo markii uu dilaacay caabuqaan kasoo bilowday bartamaha Shiinaha, dhowr jeer ayaa su'aal la geliyey caafimaadka Trump oo iska fogeeyay.

Mareykanka ayaa safka hore kaga jiray wadamadda uu saameynta xun ku reebay xanuunkan sidda fudud u faafa; in ka badan hal milyan oo ruux ayuu ku dhacay, dad ka badan 74-kunna wuu galaaftay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Pakistan oo Sheegtay Inay Nukliyeerkeeda Ku Difaacayso Sacuudiga 

Asif ayaa sidoo kale tusaale u soo qaatay Israa’iil, isagoo sheegay in, “Isra’iil, in kastoo ay tahay quwad nukliyeer ah.

  • Caalamka

    20-09-2025

  • 05:56AM

Maraykanka oo Veto Ku Hor Istaagay Qaraar Xabbad-joojinta Gaza lagu Dalbanayey

Waxaa la filayaa in dalal ay ka mid yihiin UK iyo Faransiiska ay halkaas ku aqoonsadaan dowlad madax-bannaan oo Falastiin ah.

  • Caalamka

    20-09-2025

  • 05:40AM