Waqtiga ay rasmi ahaan bilaaban doonto bisha barakeysan ee Ramadan

Image

DOHA, Qadar – Iyaddoo badi wadamada Muslimiinta uu fayruska safmarka ah ee Corona go'doon geliyey, malaayiin ruux oo ku nool aduunyada ayaa la rajeynayaa in ay ku soomaan bandowga.

Maalinta koowaad ee bisha barakeysan ee Ramadan ayay u badan tahay in ay noqoto 24-ka April oo ku beegan Jimcada soo aadan.

Qadar, Masar, Indonesia, Lebanon, Morocco, Syria, Imaaraadka Carabta iyo badi wadamada kale ee Islaamka ayaa la filayaa in maalinta koowaad ee Soonka ay u noqoto isla Jimcadda.

Dhaqdhaqaaqyo badan oo la sameyn jiray Soonkii waxaa la odorasayaa in ay isbedel ku yimaadaan cudurka Covid-19 dartiisa.

Sacuudi Carabiya ayaa sheegay in ay sidooda mamnuuc u ahaan doonan salaadaha Jameecaadka oo uu kamid yahay Taraawiida.

Mareykanka iyo Yurub, dadka Muslimiinta ah ayaa dhankooda la filayaa in Jimcadda ay u noqoto maalinta koowaad ee Soonka.

Sidda ay muujineyso xogtii u dambeysay, fayruska Corona ayaa ku dhacay in ka badan 2.5 milyan oo ruux, waxaa u dhintay ku dhowaad 200-kun, iyaddoo ay kasoo kabteen 700-kun oo ruux.

GAROWE ONLINE

Related Articles

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM

Madaxweynaha Suuriya oo gaaray Maraykanka kadib markii laga saaray liiska argagixisada

Safarka Al-Sharaa ayaa loo arkaa mid calaamad u ah isbedel cusub oo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Washington iyo Dimishiq.

  • Caalamka

    09-11-2025

  • 07:15AM