Wariye ka tirsan BBC-da oo shaqada looga eryay "cunsurinimo"

Image

LONDON, UK – Idaacadda ay dowladda Ingiriiska maal-geliso ee BBC ayaa shaqadda KA eriday saxafiga Danny Baker markii uu hadal cunsurinimo ah uu ka yiri cunuga cusub ee Amiir Harry iyo xaaskiisa.

Qoraalka oo haatan laga masaxay barta uu ku leeyahay Twitter-ka oo uu soo dhigay kolkii hore xiligaasi oo caro badan ay ka dhasheen ayaa u qornaa sida tan: "Cunuga boqortooyadda wuu kasoo baxay Isbitaalka.

Sheekada xiisada cirka gelisay ayaa la sheegay in ay tahay in uu sawirka uu soo raaciyey qoraalkiisa oo ay kasoo muuqdeen lamaane gacmaha ka haya wiil isla markaana xiran dhar madow.

Barnaamij daadiyaha ayaa lagu eedeeyay in uu ku maadeystay dhaxalka ay asal ahaan u leedahay marwadda Amiirka.

"Waa la iga eryay @bb5live," ayuu Baker kusoo qoray bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka, isaga oo u muuqda mid ka xun wixii ka dhacay.

Afhayeen u hadlay BBC-da oo amaanay hanaanka soo jeedinta ee wariyahaan ayaa tilmaamay in go’aanka eryidiisa uu ahaa mid laga maarmaan ah.

"Khaladka uu sameeyay waxa uu kasoo horjeedaa qiimaha hay’adda warbaahineed. Danny waxa uu ahaa talan-taaliye cajiib ah balse wax badan nooma sii jeedin doono barnaamijka todobaadlaha ah," ayuu raaciyey

Amiir Harry iyo xaaskiisa Meghan oo asal ahaan hooyadeed Doria Ragland ay kasoo jeedo Afrika ayaa Arbacadii dunida u soo bandhigay wiilkooda cusub, Archie Harrison Mountbatten-Windsor.

Kadib fadeexad uu kala kulmay baraha bulshadda, Baker ayaa yiri: "Waan ka xumahay sawirkeyga sida gafka ah aan u soo dhigay. Mar dambe dhici meyso, maxaa yeelay, hagaag, ma aanan xanuunsaneen".

Sikastaba ha ahaatee, 61-sano jirkaan oo ahaa daadihiye aad loo jeclaa ayaa qaban jiray Barnaamij isbuucle ah oo ka baxa BBC5Live, ayna ku taxan yihiin malaayiin dhageystayaal ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM