Wasiir isu casilay carada ka dhalatay qaraxyadii ruxay caasimada Lubnaan

Image

BAYRUUT, Lubnaan – Wasiirka wasaaradda warfaafinta waddanka Lubnaan, Manal Abdel Samad, ayaa waxay ku dhawaaqdey in ay baneysay xilkii ay ka haysay xukuumadda uu leeliyo ra'iisul wasaare Hassan Diab.

Samad oo warfidiyeenka la hadashay ayaa sheegtay in xukuumadda Diab ay ku fashilantay in ay wax ka qabato rabitaanka dadweynaha, sidaas darteedna ay muhiim tahay in ay shaqada ka tagto.

Is-casilaada Samad ayaa noqoneysa talaabadii ugu horeysay ee Golaha Wasiiradda qaadaan kadib qaraxyadii ruxay Bayruut.

Ugu yaraan 728 ruux ayaa ku dhaawacmay isku-dhacyo dhexmaray mas'uuliyiinta iyo kumanaan careysay oo isu soo bax ka sameeyay bartamaha Bayruut, kuwaas oo ku baaqayay in uu isbedel dhaco.

Hal sarkaal boolis ayaa ku dhintay rabashadaha oo si gaar ah looga soo wariyey agagaarka dhismaha baarlamaanka Lubnaan.

Diab ayaa Talaadadii sheegay in xalka kaliya ee wax looga qaban karo qalalaasaha Lubnaan uu yahay doorashooyin baarlamaani ah oo waqtigooda saxda ah laga soo horumariyo.

Inta illaa haatan la xaqiijiyey, 158 qof ayaa ku dhintay qaraxyadda, halka in ka badan lix kale ay ku dhaawacmeen. Hase ahaatee, waxaa la filayaa in ay kordhaan tirooyinkaan maadaama baadigoob uu socdo.

Shaqo ka tagida ay sameysay Manal Abdel Samad ayaa laga cabsi qabaa in ay xigaan wasiiro kale oo talaabo noocaas qaada, maadaama ay jiraan Xildhibaano madax-banaan oo horey isaga riday xubinimadooda golaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

  • Caalamka

    12-11-2025

  • 01:45PM

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM