Wasiirka Maaliyada Kenya oo xabsi loogu taxaabay musuq-maasuq

Image

NAIROBI, Kenya – Laamaha ammaanka dalka Kenya ayaa maanta oo Isniin ah waxay xabsi u taxaabeen Wasiirka Maaliyadda wadankaasi.

Amarka lagu soo xiray Henry Rotich ayaa waxaa bixiyey dacwad oogaha guud ee dalkaasi Nuuradiin Xaaji, kaasi oo qoraal ku fahfaahiyey sababta.

Sida ku cad warka qoraalka ah, mas'uulkaasi ayaa waxaa loo haystaa eedeymo ku aadan musuq-maasuq lagu sameeyay dhismaha laba biyo xireeno.

Dacwadda loo haysto Henry oo ay ku wehliyaan 20 kale ayaa ku aadan mashruuc ay ku baxday aduun lacageed gaareysa 450-milyan oo dollar-ka Mareykanka ah.

Mashruucaasi ayaa waxaa hirgelisay shirkad laga leeyahay wadanka Talyaaniga oo lagu magacaabo CMC de Ravenna.

Bishii Maaj ee sanadkan 2019-ka ayay ahayd markii uu beeniyay Rotich in uu sameeyay wax khalad ah

Sidoo kale shirkadda mashruucaasi ku guuleystay ayaa iyaddana iska fogeysay in ay sameysay wax is-dabamarin.

Kenya, waxa uu kamid yahay wadamada qaaradda Afrika ee kiisaska la xiriira musuq-maasuqa ay ku badan yihiin, wallow dowladdu dagaal ay kula jirto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM