Wasiir sanka ka jabay markii madax-madax uga soo dhacay masraxa

Image

BERLIN, Germany – Wasiirka Dhaqaalaha Jarmalka, Peter Altmaier, ayaa Talaada maanta ah si kooban u miyir beelay markii uu ku dhacay shir uu ka qeybgalay, taas oo keentay in uu sanka ka jabo, sida ay xaqiijiyeen mas'uuliyiinta.

Altmaier, oo 61-sano jir ah, ayaa madax-madax uga soo dhacay masraxa dhamaadka hadal-jeedintiisa Shirka Jarmalka ee Istaraatiijiyada Digital-ka kaasoo lagu qabtay magaaladda Dortmund.

Muuqaalo lagu baahiyey baraha bulshadda ayaa waxay muujinayaan Altmaier oo kasoo dhacaya masraxa, daawadeyaasha oo sawaxan bilaabay iyo iyaga oo isku dayaya in ay caawiyaan.

Kooxaha caafimaadka oo uu kamid yahay dakhtar martida ku jiray, ayaa kadib ula cararay Isbitaalka magaaladda si loo daaweeyo.

Wasaaradda Dhaqaalaha ayaa war-saxaafadeed ku tiri: "Wasiirka Dhaqaalaha Altmaier wuxuu ku kufay jaran-jaradda, wuxuuna soo dhacay isaga oo kasoo tegaya masraxa shirkii maanta".

Mas'uuliyiinta ayaa tibaaxaya in Altmaier, oo xulufo dhow la ah ra'iisul wasaare Angela Merkel, uusan kasoo muuqan doonin shirka Golaha Wasiiradda ee lagu wado in uu Arbacadda ka qabsoomo Berlin.

Saaxiibadii kala tirsan Laanta Fulinta ayaa u rajeeyay soo kabasho degdeg ah kadib qoraalo ay soo dhigeen baraha bulshadda.

"Saaxiib Peter Altmaier, soo kabasho degdeg ah oo dhameystiranaan wanaagsan leh," ayuu yiri Michael Roth, wasiirka arrimaha Yurub ee Germany kaasoo qoraal soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka.

Altmaier, oo aad ugu ololeeya arrimaha Midowga Yurub, ayaa wuxuu gedaal ka riixayaa Hindise Sharciyeedka Franco-German kaasoo shirkadaha waaweyn ee Yurub u sahlaya in ay loolan adag la galaan kuwa China iyo Mareykanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM