Wasiirka Amniga Indonesia oo dhaawacmay kadib weerar Mindi

Image

JAKARTA, Indonesia – Wasiirka Amniga Indonesia ayaa isbitaal loola cararay kadib markii lagu beegsaday weerar loo adeegsaday Toorey.

Jeneraal Wiranto ayaa waxa uu falkan la kulmay xili uu kormeer ku joogay magaaladda Pandeglang ee gobolka Banten, maanta oo Khamiis ah.

Booliska oo xusay in laba ruux loosoo xiray dhacdadan ayaa ku tilmaamay "mid salka ku haya xagjirnimo Islaami ah". ISIL ayuu ku eedeeyay.

"Wasiirka xaaladiisa caafimaad way wanaagsan tahay, waxaana loo duuliyey caasimadda Jakarta, si baxbaano u helo," ayuu talisku raaciyay.

Muuqaal ay baahiyeen laamaha ammaanka ayaa muujiyey in wasiirka la beegsaday isaga oo kasoo degaya gaari nooca raaxada ah.

Gacan ku dhiiglaha oo cadaalad suge ah isla markaana kasoo dhex-dusay dad badan ayaa waxa uu watay Shaati madow ah.

Wiranto oo kamid ah xubnaha wasiiradda ah ee aadka ugu dhow madaxweyne Joko Widodo ayaa xilka waxaa loo magacaabay sanadkii 2016-kii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM