Javad Zarif oo booqasho lama filaan ah ku tagey Faransiiska

Image

PARIS, France - Wasiirka arimaha dibada Dalka Iran Mohammad Javad Zarif ayaa booqasho lama filaan ah ku tagey Faransiiska, halkaas oo uu ka socdo shirka wadamada dhaqaalaha ku horumarey ee G7. Talabadaan ayaa culeys ku kordhisay Trump iyo shirkaba.

Imaanshaha Zarif ee magaalada Biarritz oo shirku ka socdo ayaa waxaa bilowgeeda lahaa Madaxweynaha Dalka Faransiiska Emmanuel Macron, sidaas waxa yiri sarkaal sare oo ka tirsan midowga Yurub. Ma jiro qorshe Wasiirka arimaha dibada Iran kula kulmayo madaxda ku sugan kulankaas aan ka aheyn saraakiil Faransiis ah.

Trump oo wax laga waydiiyey imaanshaha Wasiir Zarif ayaa ku jawaabey, kama aan hadlayo.

Zarif waxaa uu Biarritz u yimid casumaad wasiirka arimaha dibada Faransiiska u fidiyey, Jean-Yves Le Drian, sidaas waxaa bartiisa Twitter ku qorey afhayeenka wasiirka arimaha dibada Iran.

Ujeedka safarka waxaa weeye "in la wado wadahadal dhowaantaan u socdey Madaxwehnaha Iran iyo dalka Faransiiska". Afhayeenka ayaa raaciyey intaas ma jiro wadahadal iyo dhexdhexaadin laga sameynayo Iran iyo Mareykanka.

Aqalka Cad ayaa horey cabasho uga muujiyey in Madaxweynaha dalka Faransiiska damacsan yahay inuu khasab wadahadal uga dhexfuro Iran iyo Mareykanka, dalkaas oo Trump u aqoonsan yahay inuu yahay argagixisada ugu weyn ee caalamka.

Trump ayaa horey uga baxey heshiis Madaxweynihii hore ee Dalka Mareykanka ula galay Iran.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM