Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda UK oo wajahaya maxkamadeyn

Image

LONDON, UK - Xeer-beegtada ayaa go'aan ka gaareysa hadii Boris Johnson, wasiirkii hore ee arrimaha dibada Ingiriiska, in su'aalo loogu waydiiyo maxkamad horteeda hadallo uu yiri sanadkii 2016-kii.

Johnson ayaa hadalkaasi wuxuu jeediyay intii lagu guda jiray Aftidii ay UK ku go’aan satay in ay ka baxdo Midowga Yurub balse ay wali taagan tahay dooda ka dhalatay.

Eryada lasoo yeeray mas'uulkaan ayaa ahaa in UK ay todobaad walba siiso EU-da aduun dhan 350 milyan oo Yuuroo, taasi oo "marin habaain bulsho ah".

Ninkaan oo ku ra dadka aadka ugu ol'olaleeya in UK ay ka baxdo Midowga Yurub ayaa kasoo muuqday isu soo baxyo dhowr ah isaga oo wata boorar ay hadaladaasi ku xardhan yihiin.

Kiiskan ka dhanka ah Johnson ayaa waxaa gedaal ka riixaya Marcus Ball, ganacsade madax banaan, oo sheegaya in Xildhibaanka uu ku tagrifal awooda xafiiskiisa.

Sidda ku cad warqad uu daabacay wargeyska afka dheer ee The Guardian, maxkamadda ayaa go’aanka lagu soo su'aallayo waxay soo saareysaa 23-ka bishaan May.

"Mr Johnson wali waa qof aan dambi gelin mana kusoo oogayno wax dambi ah. Warbaahinta waxaanu ka codsaneynaa in ay sidaasi sameeyaan," ayaa lagu yiri qoraalka maxkamadda.

Ball oo gal-dacwadeedkaan isku daba ridayay saddexdii sano ee lasoo dhaafay ayaa uruuriyey dakhli badan oo ka yimid taageerayaashiisa waxaana horey u qabsoomay dhageysi koowaad.

Inkasta oo uusan Johnson ka qaybgelin dhageysigaasi oo ka qabsoomay maxkamadda degmada Westminster ee London ayaa waxaa ku metalay kooxdiisa sharciga.

Sikastaba intii lagu guda jiray olalihii Aftida, Johnson iyo Xildhibaano kale oo caan ah ayaa hadaqaayey in UK ay isbuuc kasta siiso Midowga Yurub lacag dhan 350 milyan oo Yuuroo, inkasta oo warkaasi ay beeniyeen kolkii dambe.

Lacagtaasi ayay ku doodeen in hadii ay UK ka baxdo EU-da lagu maal-gelin doono arrimaha caafimaadka wallow tan iyo xiligaasi ay dafirayaan in ay kasoo yeertay hadaladaasi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

WHO: 1.23 milyan oo qof ayaa sanadkii la soo dhaafay ku dhintay TB

Sanadkii la soo dhaafay, $5.9 bilyan ayaa la heli jiray si loogu isticmaalo ka hortagga, ogaanshaha iyo daaweynta TB-ga.

  • Caalamka

    13-11-2025

  • 01:15PM

Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

  • Caalamka

    12-11-2025

  • 01:45PM