Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda UK oo wajahaya maxkamadeyn

Image

LONDON, UK - Xeer-beegtada ayaa go'aan ka gaareysa hadii Boris Johnson, wasiirkii hore ee arrimaha dibada Ingiriiska, in su'aalo loogu waydiiyo maxkamad horteeda hadallo uu yiri sanadkii 2016-kii.

Johnson ayaa hadalkaasi wuxuu jeediyay intii lagu guda jiray Aftidii ay UK ku go’aan satay in ay ka baxdo Midowga Yurub balse ay wali taagan tahay dooda ka dhalatay.

Eryada lasoo yeeray mas'uulkaan ayaa ahaa in UK ay todobaad walba siiso EU-da aduun dhan 350 milyan oo Yuuroo, taasi oo "marin habaain bulsho ah".

Ninkaan oo ku ra dadka aadka ugu ol'olaleeya in UK ay ka baxdo Midowga Yurub ayaa kasoo muuqday isu soo baxyo dhowr ah isaga oo wata boorar ay hadaladaasi ku xardhan yihiin.

Kiiskan ka dhanka ah Johnson ayaa waxaa gedaal ka riixaya Marcus Ball, ganacsade madax banaan, oo sheegaya in Xildhibaanka uu ku tagrifal awooda xafiiskiisa.

Sidda ku cad warqad uu daabacay wargeyska afka dheer ee The Guardian, maxkamadda ayaa go’aanka lagu soo su'aallayo waxay soo saareysaa 23-ka bishaan May.

"Mr Johnson wali waa qof aan dambi gelin mana kusoo oogayno wax dambi ah. Warbaahinta waxaanu ka codsaneynaa in ay sidaasi sameeyaan," ayaa lagu yiri qoraalka maxkamadda.

Ball oo gal-dacwadeedkaan isku daba ridayay saddexdii sano ee lasoo dhaafay ayaa uruuriyey dakhli badan oo ka yimid taageerayaashiisa waxaana horey u qabsoomay dhageysi koowaad.

Inkasta oo uusan Johnson ka qaybgelin dhageysigaasi oo ka qabsoomay maxkamadda degmada Westminster ee London ayaa waxaa ku metalay kooxdiisa sharciga.

Sikastaba intii lagu guda jiray olalihii Aftida, Johnson iyo Xildhibaano kale oo caan ah ayaa hadaqaayey in UK ay isbuuc kasta siiso Midowga Yurub lacag dhan 350 milyan oo Yuuroo, inkasta oo warkaasi ay beeniyeen kolkii dambe.

Lacagtaasi ayay ku doodeen in hadii ay UK ka baxdo EU-da lagu maal-gelin doono arrimaha caafimaadka wallow tan iyo xiligaasi ay dafirayaan in ay kasoo yeertay hadaladaasi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM