"Waxaan xirey indhaheyga, waan duceystey, geeri ayaana isu diyaariyey"

Image

JAKARTA, Indonesia - Wax yar kahor abbaare 08:00 subaxnimo, 26-kii December 2004, dhulgariir xaddigiisu ahaa 9.1 ayaa ka soo kacay badda hoosteeda, dhanka waqooyi ee dalka Indonesia.

Saacadihii xigay, duufaan xoog badan oo tsunami ah ayaa ku dhufatay Badda Hindiya, waxaana ku dhintay ku dhowaad 230,000 oo qof, oo badankood ku sugnaa Indonesia.

Iyadoo ay maanta tahay sanad-guuradii 15-aad ee ka soo wareegatay musiibadaas, ayaa weriyaha BBC-da ee Laanta Thai, Chaiyot Yongcharoenchai wuxuu booqday koofurta Thailand, halkaasoo ay saameyn ba`an ku yeelatay duufaanta tsunami.

Kuwani waa qaar ka mid ah sheekooyinka dadka badbaaday iyo wixii caawinaad ahaa ee ay kaddib sameeyeen. Waxaa laga yaabaa inaad ka murugooto dhacdooyinka qaar ee ay ka sheekeynayaan.

Wittaya Tantawanich - shaqaale gargaarka degdegga ah, xeebta Patong

Subaxaas xeebta Patong waxay ahayd mid aad u deggan. Waxaan joogay meel u dhow Isbitaalka Patong anigoo saarnaa gaari samatabixin ah. Kaddib gaajo ayaa i qabatay, waxaana soo aaday xeebta si aan u helo wax aan cuno.

Dr Weerawit Sarideepan - oo markaas dhaqtar ka ahaa Isbitaalka Vachira Phuket

Waxay ahayd maalintii xigtay xafladdii shaqaalaha isbitaalka - fasax ayaan ahaa waana iska nasanayay. Abbaarihii 08:00 subaxnimo, waxaan maqlay dhawaqa daaqadaha alwaaxa ka sameysan ee qolkeyga jiifka oo ruxmaya. Xaaskeyga ayaan u sheegay in laga yaabo inuu yahay gaari dibadda yaalla. Kaddibna hurdadii ayaan ku laabtay.

Samran Chanyang - oo qabanqaabiye xafladeed ka ah macbadka Yan Yao

Aniga ayaa duceynayay subaxaas 26 December 2004, oo maalin feesto u ahayd dadka haysta diinta Buddhism. Makarafoon ayaan ku duceynayay, si qof walba uu ii maqlo. Mar qura, korontadii ayaa tagtay waxaana dareennay dhulgariir. Makarafoon la`aan ayaana ducadii sii watay.

Wittaya Tantawanich

Waxaan fadhiyay meel anigoo quraaxanaya kuna raaxeysanaya jawiga xeebta. Waxaan kaddib dareemay dhulgariir abbaarihii 08:00. Qofna ma uusan walwalin. Waan iska sii fadhiyay anigoo sugaya wicitaan degdeg ah.

Sathaporn Sawangpuk - kabtankii markabka Mahidol

Waxaan ka soo laabannay baaritaan bil socday oo aan ka sameyneynay Badda Hindiya. Waxaan ku hakannay jasiiradda Koh Racha Yai island oo ku taalla Phuket halkaas oo aan casharro ku siineynay ardaydeenna. Badda ayaa xoogaa degganeyd, cirku caad ma lahayn. Waxaan kooxdeyda ku iri: 'Maxay tahay maalin ku habboon in badda la joogo.'

Primpraow Jitpentom - kalkaaliso saarneyd markabka Mahidol

Waxaan subaxaas Axadda saaxiibbadeyda ka soo qaaday Bangkok si aan dalxiis u aadno. Dhowr jeer ayaan sidan sameeyay balse seygeyga weligiis ma arag dunida badda hoosteeda. Waxaan u sheegay inay mudneyd in la aado.

Kabtan Sathaporn Sawangpuk

Markii aan quraacannay, waxaan dhammaanteen aadnay qarka markabka si aan u daawanno ardayda oo la tababaranaya macallimiinta. Mar qura, waxaan dareemay markabka oo bidix iyo midig u liic liicaya. Ma aynaan ogeyn waxa dhacay, balse dareenkeyga wuxuu ii sheegay inaan markabka kiciyo oo aan u kaxeeyo bartamaha badda.

Wittaya Tantawanich - oo ku sugnaa xeebta Patong

Abbaarihii 10:00 barqanimo, waxaan maqlayay dhawaqa dadka cuntada iibiya oo isu tilmaamaya xeebta. Waxay dhammaantood dhahayeen 'Aan soo dabanno kalluun.' Biyaha ayaa si qoto dheer hoos ugu dhacay, tegayna bartamaha badda, kalluun badan ayaana daadsanaa meel walba. Waxaan la yaabay waxa dhacay balse durba waxaan gartay inay wax khaldan yihiin. Markii ay biyihii soo laabteen, mid ka mid ah dadkii cuntada iibinayay ayaa qof walba oo halkaas joogay u sheegay inuu ka fogaado xeebta.

Somchai Jitpentom - dhaqtarka iyo xaaskiisa

Waxaan la xiriiray saaxiibkey oo ciidanka badda ka tirsanaa wuxuuna ii sheegay inay tahay tsunami. Wuxuu inoo sheegay inaan soo raacno markab weyn. Waxaan arkay markabka Mahidol waan istaajinnay inuu na caawiyo ayaana ka codsannay.

Kabtan Sathaporn Sawangpuk

Kaddib biyihii ayaa hoos aaday, kahor inta aysan duufaantii labaad ku dhufan xeebta mar kale. Markan waxay guryaha iyo maqaayadaha ku dartay badda.

Somchai Jitpentom

Markii aan markabka galnay, waxaan arkay guryo iyo maqaayado ku yaallay Koh Racha Yai oo ku darsamay badda. Markaas ayaan gartay in musiibo weyn ay dhacday. Sidaas daraaddeed waxaanu isku raacnay inaan caawinno dadka kale ee jasiiradda ka dhowaa maaddaama ay nala socdeen labo dhaqtar iyo labo kalkaaliye.

Samran Chanyang - oo qabanqaabiye xafladeed ka ah macbadka Yan Yao

Xafladdii sidii caadiga ahayd ayay u dhammaatay. Kaddib guriga ayaan soo aaday, wuxuu ku yaalla dhabarka dambe ee macbadka.

Waxaan durba arkay gawaari waddada dhinaceeda xawaare sare ku maraya. Kaddib dadkii xaafadda ayaa ka sheekeysanayay sida xaafadihii ku teedsanaa xeebta ay u qaadday duufaanta.

Wittaya Tantawanich - oo ku sugnaa xeebta Patong

Waxaan codsi ka helay supermarket xeebta ku yaallay oo ay dad badan ku xayirnaayeen. markii aan imid, waxaan arkay shaqaalihii oo biyaha dul sabbeynaya. Qaarkood way noolaayeen balse badankood way dhinteen.

Samran Chanyang - oo ka tirsan macbadka Yan Yao

Telifishinka ayaan daaray si aan u ogaado waxa agteyda ka dhacay. Kama war heyn tsunami. Waan fajacay waana walwalay maaddaama wiilkeyga uu shaqo ugu maqnaa Khao Lak [oo ku taalla xeebta waqooyi ee Phuket]. Waxay ahayd maalintii ugu dambeysay shaqadiisa. Waan la xiriiray balse wax war ah kama helin.

Dr Weerawit Sarideepan

Boqollaal qof ayaa la soo diray. Badankood lafaha ayaa jajabay halka qaarna ay dhaawacyo jireed qabeen. Kaddib meydad ayay daadsanaa meel walba.

Samran Chanyang - oo ka tirsan macbadka Yan Yao

Saddex ka mid ah saaxiibada wiilkeyga ayaa ii sheegay in la la`yahay. Waxaan doonayay inaan baadi goobo, hase yeesheen isbitaalka ayaa ila soo xiriiray. Waxay ii sheegeen inay doonayaan meel ay dhigaan meydadka sidaad daraaddeedna aan sii joogo macbadka si ay u keenaan meydadka. Abbaare 19:00, boqollaal meydad ah ayaa la keenay. Meelna uma heyn sidaas daraaddeed baco ayaa lagu duubay kahor inta aan la dhigin sagxadda meel walba oo macbadka ka tirsan.

Dr Weerawit Sarideepan

Agaasimaha isbitaalka ayaa iga codsaday inaan qalab ku xiro meydadka sida ay codsadeen booliiska baaritaanka meydadka qaabilsan. Markii aan imid, booliiska ayaa i geeyay Wat Yan Yao, halkaasoo ay yaalleen kumannaan meydad ah oo la doonayay in la aqoonsado. Markii aan macbadka imid, waxaan dareemay ur ka soo baxaysay meydadka si aan dareemin intaan noolaa. Waxaan arkay macbadka oo uu dhiig daboolay.

Samran Chanyang

Maalintii xigtay, meydad badan ayaa la keenay. Milatariga ayaa keenay kunteenarro lagu ururiyo meydadka. Waxaan arkay meydad sidii buurtii oo kale noqday wax aad looga murugoodo ayayna ahayd.

Samran Chanyang

Waxaan is raacnay wiilasheyda kale iyo saaxiibbadood si aan u raadinno wiilkeyga weyn. Maalin barkeed ayay igu qaadatay inaan helo. Wuxuu ku dhex dhintay dhismihii uu ku jiray.

Wittaya Tantawanich - oo ku sugnaa xeebta Patong

Waxaan ahaa shaqaale samatabixinta ka shaqeynayay intaan noolaa balse weligey ma arkin wax sidaasoo kale ah.

Captain Sathaporn Sawangpuk

Waxay ahayd duufaan waxaan loo dhigo aysan jirin.

BBC + GO

Related Articles

Maamulka Biden oo saanad hub ku kacaysa $1 bilyan u diraya Yahuuda

Sida laga soo xigtay Wall Street Journal, xirmada hubka waxaa kamid ah $700 milyan oo rasaasta taangiyada ah.

  • Caalamka

    15-05-2024

  • 01:42AM

Yahuuda oo amartay in ay Gaza ka barakacaan in ka badan 100,000 qof

Qaramada Midoobay ayaa walaac xooggan waxa ay ka muujisay amarkan naxdinta leh.

  • Caalamka

    14-05-2024

  • 04:17AM