Weerar askar badan lagu dilay oo ka dhacay bartamaha Hindiya

Image

NEW DEHLI, India – Ugu yaraan 15 askari iyo hal ruux oo shacab ah ayaa lagu waramayaa in ay ku naf-waayeen markii kolanyo ay la socdeen ciidanka lagu weeraray wadanka Hindiya.

Weerarka oo loo adeegsaday Miino ayaa xili hore oo Arbacadii ah ka dhacay degmada Gadchiroli ee gobolka dhaca Galbeedka iyo Bartamaha ee Maharashtra.

Booliska ayaa waxa uu ku eedeeyay in dhacdadaasi jidgalka ah ay ka dambeysay kooxda Naxal oo sidoo kale loo yaqaano Indian Maoist.

Indian Maoist oo Hindiya ka aas-aasan tan iyo 1960-kii ayaa weeraro ka dhan ah xoogaga dowladda bilowday sanadkii 2000-kii.

Dhaqdhaqaaqaasi ayaa ah garab hubeysan oo kamida Xisbiga Shuuciga ah ee loogu yeero People's Liberation Guerrilla Army.

In ka badan laba kun oo ruux oo shacab ah ayaa ku geeriyooday howlgaladda Maoist ka fulisay Hindiya tan iyo 2010-kii, sida uu bileysku shaaciyay.

Ra’iisul Wasaare Narendra Modi oo qoraal soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka ayaa wuxuu si adag u cambaareeyay weerarka, isaga oo bogaadiyey "naf-hurnimada askarta la dilay".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM