Weerar ka dhacay Sweden iyo wararkii ugu dambeeyay Khasaaraha

Image

Booliska Sweden ayaa Jimcaha maanta xirey nin lagu eedeynaayo in uu dad middi ku weeraray, kaas oo dhaawacay hal qof, sida ay baahisay wakaaladda wararka ee Reuters.

Ninkaasi ayaa lagu xirey xarunta akadeemiyada booliska ee Stockholm.

Booliska ayaa sheegey in qofka la dhaawacey lagu weeraray koonfurta Stockholm, waxana loola cararay isbitaal.

Booliska ayaa gaaray goobta ay wax ka dhaceen waxayna la hadleen dad goob joogayaal ah, si ay wax uga ogaadaan isku deyga dil, sida ay saraakiil sheegeen.

Warygeyska Aftonbladet ayaa wariyay in ninka middida dadka ku weeraray ay qabteen ardey iyo macallimiin ku sugnaa meel u dhow xarrunta tababarka ciidamada booliska.

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM