Weerar Toogasho ah oo ka dhacay Holland iyo wararkii ugu dambeeyay

Image
Image
Image
Image
Image

Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay, qaar kalena dhaawacyo kala duwan ayaa soo gaarey kadib weerar toogasho ah oo maanta oo Isniin ah ka dhacay dalka Holland [Netherlands].

Dabley hubeysan ayaa rasaas ku furay dad ku sugnaa goob Tareenada laga raaco oo ku taalla magaaladda Utrecht ee bartamaha dalka Holland, iyagoo kadib meesha ka baxsaday kahor inta aysan soo gaarin booliska.

Utrecht waxay qiyaastii 25 miles dhanka koonfur uga beegan tahay magaaladda Amsterdam ee caasimadda wadanka Holland. 

Wakalaadda Wararka Holland ee ANP ayaa soo warisay in weerarka loo maleynayo mid argagaxiso, inkastoo wali uu socdo baaritaan hay'adahan amniga ay wadaan.

Diyaaradaha Helicopters-ka iyo ciidamo xooggan ayaa xiray goobta toogashada ay ka dhacday iyo wadooyinka, iyadoo la baadi goobayo Kooxda weerarka geystay.

Dhamaan Iskuullada ku yaalla dalka Holland ayaa lagu amray in la xiro cabsi laga qabo in Kooxda hubeysan ay qorsheynayaan weeraro kale gudaha dalkaasi.

Ra'iisul Wasaaraha Netherlands, Mark Rutte ayaa ku qeexay xaaladda "mid murugo leh", isagoo faray ciidanka la dagaalanka argagaxisadda inay kahor tagaan weeraro kale.

Toogashada ayaa kusoo beegmaysa xillii Jimcihii lasoo dhaafay labo Masjid oo ku yaalla dalka New Zealand uu nin cunsuri cadaan ah weerar noocan ah ku laayay 51 qof oo Muslim ahaa, kuwaasoo dhowr qof oo Soomaali ah ku jireen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran: Maraykanka kula xisaabtami doonaa Haddii Israel Weerarto Goobaheena Nukliyeerka 

Israel ma aysan xaqiijin qorshe kasta oo weerar ah, balse madaxda sare ee dalkaasi oo uu ku jiro Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu.

  • Caalamka

    22-05-2025

  • 02:53PM

Falkii Toogashada ee Madxafka Yahuuda ee Washington, D.C. – Faahfaahin Cusub

Dhinaca kale, dhacdadan ayaa xusuusinaysa weerarkii hore ee ka dhacay Madxafka Xusuusta Holocaust ee Washington, D.C., bishii Juun 2009.

  • Caalamka

    22-05-2025

  • 09:47AM