Weerar Toogasho ah oo ka dhacay Holland iyo wararkii ugu dambeeyay

Image
Image
Image
Image
Image

Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay, qaar kalena dhaawacyo kala duwan ayaa soo gaarey kadib weerar toogasho ah oo maanta oo Isniin ah ka dhacay dalka Holland [Netherlands].

Dabley hubeysan ayaa rasaas ku furay dad ku sugnaa goob Tareenada laga raaco oo ku taalla magaaladda Utrecht ee bartamaha dalka Holland, iyagoo kadib meesha ka baxsaday kahor inta aysan soo gaarin booliska.

Utrecht waxay qiyaastii 25 miles dhanka koonfur uga beegan tahay magaaladda Amsterdam ee caasimadda wadanka Holland. 

Wakalaadda Wararka Holland ee ANP ayaa soo warisay in weerarka loo maleynayo mid argagaxiso, inkastoo wali uu socdo baaritaan hay'adahan amniga ay wadaan.

Diyaaradaha Helicopters-ka iyo ciidamo xooggan ayaa xiray goobta toogashada ay ka dhacday iyo wadooyinka, iyadoo la baadi goobayo Kooxda weerarka geystay.

Dhamaan Iskuullada ku yaalla dalka Holland ayaa lagu amray in la xiro cabsi laga qabo in Kooxda hubeysan ay qorsheynayaan weeraro kale gudaha dalkaasi.

Ra'iisul Wasaaraha Netherlands, Mark Rutte ayaa ku qeexay xaaladda "mid murugo leh", isagoo faray ciidanka la dagaalanka argagaxisadda inay kahor tagaan weeraro kale.

Toogashada ayaa kusoo beegmaysa xillii Jimcihii lasoo dhaafay labo Masjid oo ku yaalla dalka New Zealand uu nin cunsuri cadaan ah weerar noocan ah ku laayay 51 qof oo Muslim ahaa, kuwaasoo dhowr qof oo Soomaali ah ku jireen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM