WHO oo habraac kasoo saareysa duulimaadyada xilliga Covid-19

Image

WASHINGTON, US – Hay'adda Caafimaadka Aduunka ayaa sheegtay in maalmaha soo aadan ay soo bandhigeyso talaabooyin ay tahay in la qaado si looga hortago Covid-19 marka la galayo safar diyaaradeed.

Mike Ryan, oo kamid ah tirsan kooxda gaarka ah ee WHO u saartay xakameynta faafitaanka xanuunka, ayaa caddeeyay in talaabadan ay u qaadayaan maadaama dowladaha caalamka qaadayaan bandowga.

Mr Ryan, oo ah madaxa guud ee waaxda gurmadka deg-dega WHO, ayaa wuxuu hoosta ka xariiqay in khatarta xanuunka ay jirto.

"Xaaladu ma salana….walina halista ay jirtaa," ayuu ku yiri shir jaraa'id oo warbaahinta caalamka uu ugu qabtay qaab online ah.

Dhanka kale, kiisaska guud ahaan caalamka ee Coronavirus ayaa qarka u saaran in ay gaaraan sagaal milyan, iyaddoo ku dhowaad shan milyan ay ka bogsadeen xanuunka, in ka badan 467,000 u dhinteen.

Saadaasha ayaa muujineysa in 24-ka saac ee soo aadan ay soo kordhi karaan kumanaan kale oo kiisas ah, maadaama kororka maalinlaha ah uu wali yahay mid jira, wallow soo kabashaa ay isa soo tareyso.

Duulimaadyadda ayaa waxay kamid yihiin mid kamid ah meelaha uu sidda ba'an u saameeyay fayruska maadaama la xusay in isu socodka dadweynaha ay kamid yihiin qaababka uu ku faafo caabuqaan dilaaga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qatar: Weerarka Doha waxaa sabab u ah fashilka Beesha Caalamka in lala xisaabtamo Netanyahu 

Qatar ayaa horey u xaqiijisay in weerarka lagu dilay xubno ka tirsan Hamas iyo askari Qatari ah, iyadoo cambaareysay ficilkaasi ay Israel ka gaysatay.

  • Caalamka

    11-09-2025

  • 11:53AM

Turkiga oo Beeniyay in Israel ay Bartilmaameedsatay Ciidamadiisa jooga Suuriya  

Wasaaradda Difaaca Türkiye waxay ugu baaqday beesha caalamka inay si degdeg ah tallaabo uga qaado Israel.

  • Caalamka

    11-09-2025

  • 11:37AM