Xaaska ra'iisul wasaare oo qiratay dacwad lagu soo oogey

Image

QUDUS, Israa'iil – Xaaska ra’iisul wasaaraha Yahuuda, Benjamin Netanyahu, ayaa maanta oo Axad ah qiratay in ay si qaldan u isticmaashey xoolo dadweyne.

Maxkamada Qudus ayay waydiisatay in loo ogolaadey heshiis ay ku qirneyso eedeymo musuq-maasuqa iyo in ay been sheegtay.

Sara Netanyahu ayaa bixin doonta lacago ganaax iyo magdhow ah balse dacwada iyadda ka dhanka ah daaqada ayey ka baxeysaa.

Fadhiga maxkamada oo ay saxaafada goobjoog ka ahayd, waxay u sheegtay xeer-beegtadda in ay ka war qabtay dacwadda lagu soo oogay.

Qareenkeeda iyo dacwad oogeyaasha ayaa ka codsadey Garyaqaanka in uu ogolaado heshiiska "ceeb ka saliin" looga dhigayo Sara Netanyahu.

Wasaarada Cadaaladda ayaa shaacisay in heshiiska uu dhigayo in Sara ay bixin doonto 2,800 oo dollar iyo tiro kale oo aan la shaacin.

Marwada koowaad ee Isreal oo ay dacwadaan daba taagneyd tan iyo June 2018 ayaa loo haystaa in ay lunsatay $100,000.

Lacagtaasi ayaa la doonayey in Hilib loogu soo iibiyo ra’iisul wasaaraha balse si been ah ayey Sara u sheegtay in aysan guriga yaalin wax cunto ah.

60-jirtan ayaa mar kasta aad uga dhex soo muuqata guriga seygeeda halkaasi oo uu ku yaalo xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Sara ayaa sidoo kale lagu eedeeyay in ay shaqaale si xun ula dhaqantay. Sanadkii 2016-kii, jaariyadda oo lamaanaha ku cadaadiyey shaqada waxay maxkamadi ku abaal-marisay 47-kun oo dollar-ka Mareykanka ah.

Dhanka kale, Benjamin Netanyahu ayaa qudhiisa wajahaya eedeymo ku saabsan musuq-maasuq iyo jebinta xaqiiqada xili lagu waramayo in uu raadinayo sharci uu isku badbaadiyo isagoo xasaanadiisa adeegsanaya.

Sikastaba ha ahaatee, arrimahaan ayaa imaanaya xili ay doorasho ku celis ah ay kusoo food-leedahay taasi oo laga cabsi qabo in ay galaafo reerkan maadaama coddeyntiisa u dambeysay ay dharbaaxo kala kulmeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ruushka iyo Ukraine oo Is-dhaafsaday Maxaabiis iyo Weeraro Cusbaa oo lagu qaadey Kyiv

Is-dhaafsigan ayaa noqonaya kii ugu weynaa ee tan iyo markii uu bilowday dagaalku, waxaana lagu qabtay xadka Ukraine iyo Belarus .

  • Caalamka

    24-05-2025

  • 04:20PM

Iran: Maraykanka kula xisaabtami doonaa Haddii Israel Weerarto Goobaheena Nukliyeerka 

Israel ma aysan xaqiijin qorshe kasta oo weerar ah, balse madaxda sare ee dalkaasi oo uu ku jiro Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu.

  • Caalamka

    22-05-2025

  • 02:53PM