Xaaska ra'iisul wasaare oo qiratay dacwad lagu soo oogey

Image

QUDUS, Israa'iil – Xaaska ra’iisul wasaaraha Yahuuda, Benjamin Netanyahu, ayaa maanta oo Axad ah qiratay in ay si qaldan u isticmaashey xoolo dadweyne.

Maxkamada Qudus ayay waydiisatay in loo ogolaadey heshiis ay ku qirneyso eedeymo musuq-maasuqa iyo in ay been sheegtay.

Sara Netanyahu ayaa bixin doonta lacago ganaax iyo magdhow ah balse dacwada iyadda ka dhanka ah daaqada ayey ka baxeysaa.

Fadhiga maxkamada oo ay saxaafada goobjoog ka ahayd, waxay u sheegtay xeer-beegtadda in ay ka war qabtay dacwadda lagu soo oogay.

Qareenkeeda iyo dacwad oogeyaasha ayaa ka codsadey Garyaqaanka in uu ogolaado heshiiska "ceeb ka saliin" looga dhigayo Sara Netanyahu.

Wasaarada Cadaaladda ayaa shaacisay in heshiiska uu dhigayo in Sara ay bixin doonto 2,800 oo dollar iyo tiro kale oo aan la shaacin.

Marwada koowaad ee Isreal oo ay dacwadaan daba taagneyd tan iyo June 2018 ayaa loo haystaa in ay lunsatay $100,000.

Lacagtaasi ayaa la doonayey in Hilib loogu soo iibiyo ra’iisul wasaaraha balse si been ah ayey Sara u sheegtay in aysan guriga yaalin wax cunto ah.

60-jirtan ayaa mar kasta aad uga dhex soo muuqata guriga seygeeda halkaasi oo uu ku yaalo xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Sara ayaa sidoo kale lagu eedeeyay in ay shaqaale si xun ula dhaqantay. Sanadkii 2016-kii, jaariyadda oo lamaanaha ku cadaadiyey shaqada waxay maxkamadi ku abaal-marisay 47-kun oo dollar-ka Mareykanka ah.

Dhanka kale, Benjamin Netanyahu ayaa qudhiisa wajahaya eedeymo ku saabsan musuq-maasuq iyo jebinta xaqiiqada xili lagu waramayo in uu raadinayo sharci uu isku badbaadiyo isagoo xasaanadiisa adeegsanaya.

Sikastaba ha ahaatee, arrimahaan ayaa imaanaya xili ay doorasho ku celis ah ay kusoo food-leedahay taasi oo laga cabsi qabo in ay galaafo reerkan maadaama coddeyntiisa u dambeysay ay dharbaaxo kala kulmeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM