Xiisadda Khaliijka oo xal loo raadinayo iyo Sacuudiga oo soo dabcay

Image

DOHA, Qatar - Dowladaha Qatar iyo Sacuudiga ayaa billaabey wadahadallo xal loogu raadinayo khilaafka u dhaxeeyay dalalka Khaliijka Carabta, kaasoo soo jiitamayay tan iyo June 5, 2017.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar, Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al Thani ayaa xaqiijiyay in labada dowladood ay u socdaan wada-xaajood billow ah, kaasoo uu ku tilmaamay tallaabo loo qaadey dhanka wanaagsan.

Wareysi uu siiyay TV-ga Al Jazeera, ayuu wasiirka ku sheegay inay qaadan doonto waqti in dib loo dhiso kalsoonida ka dhaxeysa Qatar iyo deriskeeda Khaliijka kuwaasoo dalkiisa kusoo rogay xayiraaddo dhanka cirka, dhulka iyo badda oo socota mudo labo sano iyo bar.

"Waxaa socda wadahadallo billow ah, waxaana laga sameeyay horumar aan badnayn, kaasoo meesha looga saarey ismari-waaggii ka dhex-jiray Qatar iyo Sacuudiga," ayuu yiri Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al Thani.

Wargeyska Wall Street Journal ayaa sheegay bishii lasoo dhaafay in Wasiirka Arrimaha dibadda Qatar uu si qarsoodi ah ula kulmay bishii October 2019 saraakiil sare oo ka socday boqortooyadda Sacuudiga, si loo dhameeyo xiisadda taagan.

"Ma jirto cid ku guuleysatay xiisadda khaliijka, waxaan doonaynaa inaan aragno xal wanaagsan kaasoo badbaadinaya sharafta iyo sumcadda dhamaan dalalka, islamarkaana ilaalinaya madax-banaanidooda," ayuu hadalkiisa raaciyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar.

Mar wax laga waydiiyay in dalkiisa Qatar uu joonayo xiriirka Ururka Ikhwaanul Musliin ee ka jira Masar, kaasoo dowaldaha Sacuudiga, Imaaraadka iyo Bahrain u aqoonsan yihiin "Koox Argagaxiso" ayuu ku jawaabey: "Waxaa nahay wadan, ee ma nihin urur siyaasadeed".

Todobaadkii tagey, Ra'iisul Wasaaraha Qatar Sheikh Abdullah bin Nasser Al Thani ayaa ka qeybgalay shirkii 40aad ee dalalka Iskaashiga Khaliijka Carabta kaasoo ka dhacay magaaladda Riyadh ee caasimadda Sacuudiga.

Wuxuu ahaa wafdii ugu sareeyay oo Qatar u dirto Shirka kadib markii uu diiday Amiirka dalkaasi Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani inuu tago Sacuudiga, isagoo uu gaashaanka ku dhuftay casuumaad uu usoo diray boqor Salmaan.

Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha dibadda Iran, Mohammad Javad Zarif ayaa soo dhaweeyay wadahadallada u socda Sacuudiga iyo Qatar, isagoo ku tilmaamay horumar wanaagsan oo xal u ah dhamaan dalalka gobolka.

Sacuudiga, Imaaraadka, Bahrain iyo Masar ayaa June 5, 2017 ku dhawaaqay inay xiriirka u jareen Qatar, oo ay ku eedeeyay inay taageerto argagaxisadda caalamka iyo inay xiriir diblomaasiyadeed la yeelatay Iran.

Doha ayaa beenisay dhamaan eedeymahaasi, waxayna ku tilmaantay kuwa lagu doonayo in lagu dhaawaco sumcadeeda iyo madaxbanaanideeda. Waxay kaloo diiday dowladda Qatar inay xirto TV-ga Al-Jazeera.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maamulka Biden oo saanad hub ku kacaysa $1 bilyan u diraya Yahuuda

Sida laga soo xigtay Wall Street Journal, xirmada hubka waxaa kamid ah $700 milyan oo rasaasta taangiyada ah.

  • Caalamka

    15-05-2024

  • 01:42AM

Yahuuda oo amartay in ay Gaza ka barakacaan in ka badan 100,000 qof

Qaramada Midoobay ayaa walaac xooggan waxa ay ka muujisay amarkan naxdinta leh.

  • Caalamka

    14-05-2024

  • 04:17AM