Xiisadda xuduudka ee Shiinaha iyo India oo gacan hadal isku rogtay

Image

DEHLI, India - Sarkaal iyo laba askari oo u dhashay dalka India ayaa lagu dilay “iska horimaad rabshad leh” oo ka dhacay xuduudda lagu loolamo ee dalkaas uu la leeyahay Shiinaha, waxaa maanta sidaas laga soo xigtay taliska guud ee ciidamada Hindiya.

India iyo Shiinaha ayaa toddobaadyadii tegay waxa ay ku lug lahaayeen is-mariwaa ka taagan Dooxda Galwan ee galbeedka Himilayas, ayada midba midka kale uu ku eedeynayey inuu dhulkiisa kusoo xadgudbay.

Ciidamada India ayaa sheegay in isku dhac uu dhacay Isniintii islamarkaana labada dhinac uu soo gaaray khasaare.

“Intii uu socday hanaan xiisadda lagu qaboojinayey ayaa waxaa iska horimaad uu ka dhacay Dooxada Galwan, halkaasi oo labada dhinac uu khasaare kasoo gaaray,” ayaa lagu yiri bayaanka ciidamada India.

“Khasaaraha nafeed ee India ayaa waxaa ku jira sarkaal iyo laba askari. Saraakiil ka socota labada dhinac ayaa hadda qaboojinaya xiisadda,” waxaa sidaas lagu yiri bayaanka ciidamada India.

India iyo China ayaa si kooban xuduudda ugu dagaalay 1962-kii, mana awoodin wixii markaas ka dambeeyey inay xalliyaan murankooda, inkasta oo ay wada-hadallo socdeen tobaneeyo sano.

Wasaaradda arrimaha dibedda Shiinaha ayaa ugu baaqday India inaysan qaadin tallaabo hal dhinac ah, ama aysan abuuri dhibaato.

Afhayeen u hadlay wasaaradda oo ku sugan Beijing ayaa sheegay in xadgudub weyn lagu smaeeyey heshiiskii labada dal, kadib markii ciidamada India “ay daan-daansadeen islamarkaana soo weerareen” shaqaale Shiinees ah, taasi oo dhalisay iska horimaad.

VOA + GO

Related Articles

Iyadoo xiisaddu kor u sii kacayso, ayaa weerar lagu qaaday markab shidaal oo ku xiran dekedda Dubai

Markabka oo lagu magacaabo Al Salmi ayaa watay xamuul aad u badan oo saliid ah…

  • Caalamka

    31-03-2026

  • 07:43AM

Spain oo hawadeeda ka xirtay diyaaradaha Mareykanka ee ka qeyb qaadanaya dagaalka Iran

Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sánchez, ayaa marar badan dhaliilay dagaalka ay hoggaaminayaan Mareykanka iyo Israel.

  • Caalamka

    30-03-2026

  • 01:56PM