Xildhibaan u geeriyoodey caabuqa dilaaga ah ee Coronavirus

Image

TEHRAN, Iran – Warbaahinta Iran ayaa Sabtida maanta ah shaacisay in Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka dalkaas uu u dhintay Coronavirus.

Marka laga soo tago Shiinaha, Iran ayaa lagu sheegay midka labaad ee uu geerida ugu badan ka sababay xanuunka dilaaga ah.

Ku dhowaad shan kun oo kiis oo la xiriira caabuqa ayaa laga soo tabiyey gobolada kala duwan ee waddankaas dhaca Bariga Dhexe.

Mudanaha oo magaceeda lagu yilmaamay Fatemeh Rahbar ayaa geeriyootay Jimcadii. Gudaha Iran, cudurka wuxuu ku dilay 124 ruux.

Bishaan Maaj 2-deeda, xanuunka wuxuu galaaftay Mohammad Mirmohammadi, oo lataliye sarre u ahaa hogaamiyaha sare ee Iran.

Todobaadkii lasoo dhaafay, xukuumadda ayaa waxay xaqiijisay in ku dhowaad 30 Xildhibaan laga helay Coronavirus lana karin-tiilayo.

Hadalkaas wuxuu yimid iyaddoo si ku meel gaar ah loo joojiyey fadhiyadda joogtada ah ee Golaha Xeer-dejinta qarankaas.

Wasiir ku xigeenka caafimaadka, Iraj Harirchi, si lamid ah madaxweyne ku xigeenka Iran, ayaa kamid ah mas’uuliyiinta uu ku dhacay cudurka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump Oo Gaaray Shiinaha Kahor Shir Uu La Yeelanayo Xi Jinping

Ajandaha ugu weyn ee wada-hadallada ayaa lagu sheegay xiisadda Iran, oo Mareykanku doonayo in uu ka helo taageero caalami ah.

  • Caalamka

    13-05-2026

  • 12:58PM

Xaaladda Telefoonnada Dahabka ah ee Trump: Dadkii Lacagta bixiyay oo weli sugaya

Aanay ka dhignayn heshiis iib oo dhammaystiran ama ballanqaad ah in qofka loo soo rari doono qalabkaas.

  • Caalamka

    12-05-2026

  • 11:49AM