Xildhibaan u geeriyoodey caabuqa dilaaga ah ee Coronavirus

Image

TEHRAN, Iran – Warbaahinta Iran ayaa Sabtida maanta ah shaacisay in Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka dalkaas uu u dhintay Coronavirus.

Marka laga soo tago Shiinaha, Iran ayaa lagu sheegay midka labaad ee uu geerida ugu badan ka sababay xanuunka dilaaga ah.

Ku dhowaad shan kun oo kiis oo la xiriira caabuqa ayaa laga soo tabiyey gobolada kala duwan ee waddankaas dhaca Bariga Dhexe.

Mudanaha oo magaceeda lagu yilmaamay Fatemeh Rahbar ayaa geeriyootay Jimcadii. Gudaha Iran, cudurka wuxuu ku dilay 124 ruux.

Bishaan Maaj 2-deeda, xanuunka wuxuu galaaftay Mohammad Mirmohammadi, oo lataliye sarre u ahaa hogaamiyaha sare ee Iran.

Todobaadkii lasoo dhaafay, xukuumadda ayaa waxay xaqiijisay in ku dhowaad 30 Xildhibaan laga helay Coronavirus lana karin-tiilayo.

Hadalkaas wuxuu yimid iyaddoo si ku meel gaar ah loo joojiyey fadhiyadda joogtada ah ee Golaha Xeer-dejinta qarankaas.

Wasiir ku xigeenka caafimaadka, Iraj Harirchi, si lamid ah madaxweyne ku xigeenka Iran, ayaa kamid ah mas’uuliyiinta uu ku dhacay cudurka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Putin oo ku dhawaaqay in Ruushka tijaabinayo Hubka Nuclear-ka

Wararka ka imanaya Kremlin-ka waxay sheegayaan in Putin uu mar kale cadeeyay in haddii Maraykanku sameeyo tijaabooyinkan.

  • Caalamka

    06-11-2025

  • 07:52AM

Omar Fateh oo Aqbalay Guuldarradiisa Doorashada Duqa Magaalada Minneapolis

Haddii uu guuleysan lahaa, Omar Fateh wuxuu noqon lahaa duqii ugu horreeyay ee Muslim ah, Soomaali Maraykan ah.

  • Caalamka

    06-11-2025

  • 05:24AM