Xildhibaan xaaskiisa iyo caruur ku waayey shilka Ethiopian Airlines

Image
Image

BRATISLAVA, Slovakia - Xildhibaan reer Slovakia ah, Anton Hrnko, ayaa xaqiijiyay in xaaskiisa iyo labo caruur oo ay u dhashay ku dhinteen shilka diyaaradeed ee Ethiopian Airlines, kaasoo dhacay Axadii shalay ahayd.

Wadar ahaan 157 ruux ayaa ku geeriyootay duulimaadka ET302 oo kusii jeeday magaaladda Nairobi ee caasimada Kenya.

Dadka dhintay oo kasoo kala jeeda 33 dal ayaa lix kamid ah waxay yihiin Soomaaliya, sida ay xaqiijiyeen qoysaskooda.

Hrnko, oo ah hogaamiye ku xigeenka xisbiga Slovak National Party, ayaa sheegay warkaan naxdinta leh qoraal uu bartiisa Faceook-ga uu soo dhigay.

"Aniga oo murugeysan ayaa shaacinayaan in xaaskeyga Blanka, wiilkeyga iyo gabdheyda Michal ay ku dhinteen musiibada Addis Ababa," ayuu xusay.

Si lamid ah, waxa uu tacsi udiray dhamaan ehelada ay ka baxeen shaqsiyaadkii ku naf-waayay shilkaan diyaaradeed.

Illaa iyo haatan wali lama ogga waxay sababay dhacdada, balse baaritaan ku saabsan arrintaasi ayaa la bilaabay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

In ka badan 160 qof oo weli la la’yahay kaddib fatahaado ka dhacay Texas

Biyaha xooggan ayaa si lama filaan ah u dhex maray xerada, iyadoo ay jiiteen guryaha jiingadaha ah ee dadka hurday.

  • Caalamka

    09-07-2025

  • 05:17AM

Madaxweyne Trump oo Sheegay in Maraykanka uu Wadahadallo la Yeelanayo Iran

Wadahadalladii lixaad ee u dhexeeyay Maraykanka iyo Iran ayaa loo qorsheeyay inay dhacaan 15-kii Juun.

  • Caalamka

    08-07-2025

  • 11:58AM