Xildhibaan xaaskiisa iyo caruur ku waayey shilka Ethiopian Airlines

Image
Image

BRATISLAVA, Slovakia - Xildhibaan reer Slovakia ah, Anton Hrnko, ayaa xaqiijiyay in xaaskiisa iyo labo caruur oo ay u dhashay ku dhinteen shilka diyaaradeed ee Ethiopian Airlines, kaasoo dhacay Axadii shalay ahayd.

Wadar ahaan 157 ruux ayaa ku geeriyootay duulimaadka ET302 oo kusii jeeday magaaladda Nairobi ee caasimada Kenya.

Dadka dhintay oo kasoo kala jeeda 33 dal ayaa lix kamid ah waxay yihiin Soomaaliya, sida ay xaqiijiyeen qoysaskooda.

Hrnko, oo ah hogaamiye ku xigeenka xisbiga Slovak National Party, ayaa sheegay warkaan naxdinta leh qoraal uu bartiisa Faceook-ga uu soo dhigay.

"Aniga oo murugeysan ayaa shaacinayaan in xaaskeyga Blanka, wiilkeyga iyo gabdheyda Michal ay ku dhinteen musiibada Addis Ababa," ayuu xusay.

Si lamid ah, waxa uu tacsi udiray dhamaan ehelada ay ka baxeen shaqsiyaadkii ku naf-waayay shilkaan diyaaradeed.

Illaa iyo haatan wali lama ogga waxay sababay dhacdada, balse baaritaan ku saabsan arrintaasi ayaa la bilaabay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM