Xildhibaano la xiray oo xaadiray furitaanka baarlamaanka Spain

Image

MADRID, Spain – Baarlamaanka dalka Spain ayaa maanta oo Talaado ah waxa uu yeeshay fadhigii ugu horeeyay kadib doorashadii 24-ka April.

Doorashadaasi ayaa xubnaha ugu badan ee ka helay xeer-dejinta xisbiga Shuuciga, wallow uusan helin aqlabiyada ugu badan.

Xildhibaanada kulanka kasoo muuqday waxaa ku jira Shan mudane, kuwaasi oo tartanka kusoo baxay balse la xiray sanadkii 2017-kii.

Sharcidejiyahaasha ayaa lagu kala magacabaa; Josep Rull, Oriol Junqueras, Jordi Sànchez, Jordi Turull iyo Raül Romeva.

Afar kamida shantooda ayaa ka tirsan Aqalka Hoose halka midka kale uu kamid yahay Golaha Aqalka Sarre [Senators-ka].

Mas'uuliyiinta oo la dhaariyay ayaa la filayaa in dib loogu celiyo xabsiga, maadaama ay wajahayaan dacwad aad u culus.

Xeer-ilaalinta ayaa kusoo eedeysay in ay kala qaybinayaan dalka, maadaama ay u olaleynayeen in gobolka ay kasoo jeedaan ee Catalan uu madax banaani qaato.

Hogaamiyaha gobolka gooni isu taagga ah ee Catalonia, Carles Puigdemont, oo baxsad ku ah Belgium-ka, ayaa dhaleeceeyay xariga Xildhibaanada.

Waa markii ugu horeysay oo Spain ay ka dhacdo in Mudaneyaal la xiray ay kasoo muuqdaan fadhiga baarlamaanka wadankaasi.

Sikastaba ha ahaatee, xubnahaan ayaa xabsiga la dhigay maalmo kadib Aftidii muranka dhalisay ee gobolka Catalonia, taasi oo dadka halkaasi degan ay ugu coddeyaan in ay ka go'aan Spain.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM