Xildhibaano sheegay in TikTok uu khatar ku yahay Amniga Qaranka

Image

WASHINGTON, US – Laba kamid ah xubnaha Aqalka Sarre ayaa shaaciyey in muuqaalada gooban ee lasoo dhigo barta TikTok oo ay leedahay shirkadaha reer China ah uu khatar ku yahay amniga qaranka Mareykanka.

Chuck Schumer, oo laga soo doorto New York ahna hogaamiyaha diqmoraadiga laga tirada badan yahay, iyo Tom Cotton oo Jamhuuriga ku metela Arkansas, ayaa warqadda ka dhan ah shirkada u qoray Hay'adda Sirdoonka.

Sidda ku xusan qoraalkooda, waxay waydiisanayaan iyo dib u eegis in ay qiimeyn ku sameeyaan in TikTok iyo shirkadaha kale ee China ay khatar amni wadaan.

TikTok oo ah aalad ay dadku soo dhigaan muuqaalo gaaban oo shaqsiyadooda ku saabsan ayaa waxaa iska leh shirkadda ByteDance.

Warqadda ayay ku xuseen in shirkadda ay ka caawiso sirdoonka Shiinaha in ay u basaasaan mukhaabaraadka China.

Afhayeen u hadlay ByteDance oo meesha ka saarey eedeymahaas ayaa ku nuux-nuux saday in warqadda laga gudbiyey ay siyaasadeysan tahay.

Sidda laga soo xigtay warqadda "maadaama ay 110 milyan ay kaliya gudaha Mareykanka ka degsadeen, TikTok waa khatar aan laysla indho tiri karin oo ku wajahan amniga qaranka Mareykanka".

Hase ahaayee, afhayeenka shirkadda ayaa wuxuu wacad ku maray in ay ka go’an tahay in ay daacad u noqdaan muwaadiniinta Mareykanka ayna ilaaliyaan xogtooda.

Mareykanka iyo Shiinaha ayaa waxaa ka dhaxeeya loolan dhanka ganacsiga ah, taas oo saameyn daran ku yeelatay qaar kamid ah shirkadaha labadda dal gaar ahaan kuwa gacansaarka la leh mas'uuliyiinta dowladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM