Xisbi Islaami ah oo horkacaya doorashada baarlamaanka Tunisia

Image

TUNIS, Tunisa – Natiijo horudhac ah ayaa waxay muujineysaa in xisbiga Islaamiga ah ee Ennahdha uu hogaaminayo doorashadda baarlamaanka ee dalka Carbeed ee Tunisia, isaga oo haysta 17.5%.

Xisbiga Heart of Tunisia oo kaalinta labaad soo galay kana mid ah kuwa aadka loogu saadaalinayo ayaa leh 15.6%.

Macluumaadkan ayaa ku saabsan xog-uruurin la sameeyay oo ku aadan coddeynta, taasoo xamaasad badan. Wareeg labaad oo harsan ayaa la guda geli doonaa.

Xisbiga Free Destourian ayaa waxa uu soo galay kaalinta saddexaad ee kala sareynta wareega koowaad.

Dhinaca kale, gudoomiyaha guddiga dooashooyinka Tunisia, Nabil Baffoun, ayaa tibaaxay in u soo bixitaanka cod-dhiibashadda ay ahayd mid aad u sareysa, isaga oo bogaadiyey muwaadiniinta.

Sanaadiiqda cod-bixinta oo goboladda kala duwan ee waddankaas yaalay ayaa si rasmi ah u furmay Axadii, 7-da October.

In ka badan 15-kun oo murashaxiin kana kala socda xisbiyo kala duwan, isbaheysiyo iyo tartamayaal madax banaan ayaa ku baratamaya 217 kursi oo kamid ah Golaha Wakiiladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM