Xubno ka tirsan Congress-ka Mareykanka oo laga helay COVID19

Image

WASHINGTON, US – Laba kamid ah xubnaha Aqalka Sare ee Mareykanka ayaa laga helay COVID19, sidda ay warisay warbaahinta.

Ben McAdams iyo Mario Diaz-Balart ayaa ku dhawaaqay in ay la nool yihiin fayruskaas aduunka ku laayey in ka badan todoba kun.

Sharci-dejiye McAdams oo ka tirsan Xisbiga Dimuqraadiga ayaa metela ismaamul goboleedka Utah, oo ay degan yihiin lix milyan.

Dhinaciisa Diaz-Balart oo xubin ka ah Xisbiga Jamhuuriga ayaa kasoo jeeda gobolka xuduudka la leh gacanka Mexico ee Florida.

Mareykanka ayaa xaqiijiyey kiisas in ka badan sideed kun oo la xiriira caabuqa xili dadka u dhintay ay tiradoodu gaareyso 140 qof.

Gudaha Florida waxaa Coronvirus laga helay 328 ruux, halka uu dilay sideed, sidda ku cad warbixintii u dambeysay ee lasoo saarey.

Dhanka kale, dhul-gariir ayaa ka dhacay qeyb kamid ah Utah oo go'doon ugu jirta COVID19 oo kiisaskiisu ay ka badan yihiin boqol.

Madaxweyne Donald Trump ayaa soo bandhigay miisaaniyad balaayiin Doolar ah, taas oo maamulkiisu u qoondeeyay howlaha xanuunka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xaaladda Telefoonnada Dahabka ah ee Trump: Dadkii Lacagta bixiyay oo weli sugaya

Aanay ka dhignayn heshiis iib oo dhammaystiran ama ballanqaad ah in qofka loo soo rari doono qalabkaas.

  • Caalamka

    12-05-2026

  • 11:49AM

Hamad bin Jassim: Netanyahu Dagaalka Iran wuxuu u Adeegsanayaa Dib-u-Habeynta Bariga Dhexe

Wuxuu sheegay in dowlado badan oo Mareykan ah ay hore uga caga jiideen dagaal buuxa oo lala galo Iran.

  • Caalamka

    11-05-2026

  • 01:06PM