Xuutiyiinta oo "qabtay" boqolaal kamid ah askarta Sacuudiga

Image

SANCA, Yemen – Xuutiyiinta Yemen aya sheegtay in ay qabteen boqolaal kamid ah askarta Sacuudiga kadib iska hor-imaad ku dhexmaray xuduudka labada dal.

Afhayeen u hadlay falaagadan ayaa u sheegay BBC-da in saddex Jeneraalo ay isku soo dhiibeen magaaladda Sacuudiga ee Najran.

"Kumanaan askar ayaan qabanay; tirro kelana waan dilnay," ayuu yiri Korneyl Yahiya Sarea. Sacuudiga wali kama jawaabin sheegashadda.

Howlgalkan ayaa ah midkii ugu balaarnaa oo noociisa ee ka dhaca aagaas tan iyo markii ay qaraxday colaada Yemen, sida uu sheegay afhayeenka.

Sarkaalka ayaa tibaaxay in ciidamadda Sacuudiga ay la daalaadhacayaa "dhibaatooyin culus oo dhanka nolosha iyo hubka ah".

Dhamaan kuwa la qabtay waxay kasoo muuqan doonan Telefishinka Xuutiyiinta afkooda ku hadla ee Al Masirah TV, ayuu daba dhigay.

Sheegashadan ayaa kusoo aadeysa iyadda oo Xuutiyiinta ay 14-kii September sheegteen weeraro lagu qaadey Ceelasha Shidaalka Sacuudiga.

Duulaankaas oo sameeyay suuqyada Saliida caalamka ayaa waxa uu la kulmay cambaareyn guud; dowladdo ayaa ku eedeeyay Iiraan balse Tehran way iska fogeysay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM