Xuutiyiinta Yemen oo joojinaya weerarka ka dhanka ah Sacuudiga

Image

SANCA, Yemen – Falaagadda ay Iiraan taageerto ee Xauutiyiinta ayaa ku dhawaaqay talaabo naadir ah oo ku saabsan in ay joojinayan weerarka ka dhanka ah dhulka Sacuudiga.

Mahdi al-Mashat, madaxa golaha sarre ee siyaasadda ururkaas, oo shaaciyey go’aanka ayaa wuxuu intaasi ku daray in ay ka sugayaan talaabo is-dhaafsi xukuumadda Riyadh.

Talaabadan ayaa imaaneysa ku dhowaad muddo todobaad ah kadib markii ay Xuutiyiinta weerareen keydka ugu weyn ee shidaalka Sacuudiga kaasi oo dhaliyey dab aad u xoogan.

Inkasta oo ay kooxdan sheegatay weerarkaas, haddana Sacuudiga ayaa ku eedeeyay Iiraan. Balse xukuumadda Tehran waxay meesha ka saartay in ay wax kaali ku lahayd.

Bilooyinkii u dambeeyay Xuutiyiinta ayaa Sacuudiga ku wareeray diyaarado aan duuliye lahayn iyo Gentaalo, taasi oo ay ku beegsanayeen goobaha wax soo saarka Saliida.

Bilooyinkii u dambeeyay Xuutiyiinta ayaa Sacuudiga ku wareeray diyaarado aan duuliye lahayn iyo Gentaalo, taasi oo ay ku beegsanayeen goobaha wax soo saarka Saliida.

A-Mashat oo soo jeediyay xabad-joojin taasoo uu ku tilmaamay mid lagu joojinayo dhiiga daanaya ee Yemeniyiinta ayaa ka digay dagaal kale oo xusay "in uu xeelada sii xumeynayo".

"Dagaal dhinacna wax faa'iido ah kuma helayo," ayuu hadalkiisa ku daray, isaga oo intaas ku daray in ay dib u furi doonaa garoonka diyaaradaha Sanca iyo dekadda weyn ee Xudeyda.

Yemen, oo xaalad bini'aadanimo, ayaa dhexda uga jira colaad galaafatay kumanaan tan iyo 2014-tii, xiligaas oo Xuutiyiinta caasimada ka saareen dowladda calaamka aqoonsan yahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM