Yahuuda oo duqeyn ku dishay gabar 18-bilood dhalan iyo hooyadeed

Image

GAZA, Falastiin – Tobanaan ruux ayaa ku dhimatay duqeymo xoogan oo ay Yahuuda ka geystay dhulka reer Falastiin, saacadihii lasoo dhaafay, sidda ay xaqiijiyeen hay’addaha dhanka amaanka.

Dadka weeraradaasi cirka ah ku geeriyooday waxaa kamida gabar 18-bilood dhalneed iyo hooyadeed oo xaamilo ahayd.

Wasaaradda Caafimaadka Falastiiniyiinta ayaa shaacisay in Inanta yar lagu magacaabayey Seba Abu Arar.

Maamada ayaa magaceeda lagu sheegay Falastin Abu Arar, oo 37-sano jir ahayd, taasi oo u dhimatay dhaawac kasoo gaarey duqeymaha.

Saddex ruux kale ayaa lagu waramayaa in ay waxyeelo kasoo gaareen weeraradaasi oo ka dhacay bariga magaaladda Gaza City.

Duqeymaha ayaa ka dambeeyay markii lagu dilay Gaza City laba askari oo Yahuudi ah, kuwaasi oo ay wehliyeen madaafiic la sheegay in kooxda Xamaas ay ku gantay dhinaca Isra'iil, taasi oo aan la hubin waxyeelada ka dhashay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM