Yahuuda oo galeysa doorasho cusub xili Netanyahu dharbaaxo la kulmay

Image

TEL AVIV, Israel - Sharcidejiyeyaasha Yahuuda ayaa u codeeyay in la kala diro baarlamaanka kadib markii ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu uu ku fashilmay in uu soo dhiso dowlad wadaag ah.

Coddeyn si wayn la isugu dhowaa ayaa go’aamisay in la qabto doorasho cusub, taasi oo qabsoomeysa 17-ka bisha September ee sanadkan 2019.

Mr Netanyahu ayaa awoodi waayey in uu heshiis la gaaro Isbaheysiga midigta fog kadib cod-bixintii xisbigiisa ku helay aqlabiyad kooban, bishii lasoo dhaafay.

Qodobka la isku mari waayey ayaa ah sharci waajib uga dhigaya ardayda in ay qaataan casharro ku saabsan militarinimo [ciidanka].

Xeer-dejinta ayaa u kala qayb-santay 74-45 oo ay kala diraan ruuxadooda markii Netanyahu uu lumiyey fursadii ugu dambeysay ee habeenimadii Arbacadda saddexda fiidnimo.

Sikastaba ha ahaatee, waa markii ugu horeysay sooyaalka maamulka Israel oo ra’iisul wasaare uu ku guuldareysto in uu soo dhiso dowlad wadaag ah, waxayna taariikh fool-xun u tahay Mr Netanyahu.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM