Yahuuda oo xayiraad kusoo rogtay xubno ay ku jirto Ilhaan Cumar

Image

WASHINGTON, US – Xukuumadda Yahuuda ayaa Khamiista maanta ah waxay ka mamnuucday Xildhibaanadda Mareykanka ee Rashida Tlaiba iyo Ilhaan Cumar in ay tagaan dhulka la haysto ee Falastiin.

"Go’aanka waa la gaarey, go’aanka uma ogolaanayo iyaga in ay soo galaan," wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Israa'iil, Tzipi Hotovely, ayaa sidaasi u sheegay idaacadda lagu magacaabo Reshet.

Talaabadan ayaa waxay imaaneysa iyadda oo Madaxweyne Donald Trump uu ku tartarsiiyey dowladda Benjamin Netanyahu in ay qaado talaabadaasi, sidda ku cad qoraal uu soo dhigay Twitter-ka.

Ilhaan Cumar iyo Rashida Tlaib oo safarkooda loo muddeeyay 22-ka August ayaa tegi lahaa Daanta Galbeed, bariga magaaladda Quddus iyo Masjidka barakeysan ee Al Aqsa, oo ay Yahuudu haysato.

Warbaahinta Mareykanka ayaa ku warameysa in Trump uu maalmihii dambe aad ugu mashquulsanaa sidii uu xulufadiisa ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu uga dhaadicin lahaa xayiraada booqashadaasi.

Trump iyo mudaneyaashaasi ayaa waxaa ka dhaxeeyay loolan dhinaca siyaasadda ah, kaasi oo mudooyinkii dambe xoogeystay. Xubnahan waxaa lagu eedeeyay "Yahuud naceyb", wallow ay iska fogeeyeen.

Hadii xubnaha uu u hirgeli lahaa booqashadooda aadka loo qaban-qaabiyey ayaa waxay dharbaaxo kulul ku noqon lahayd siyaasadda madaxweyne Donald Trump.

Balse mamnuucida ayaa sii hurineysaa xiisadda Yahuuda iyo hogaanka xisbiga Dimoqraadiga. Yahuuda waxay qayb ka yihiin dadyowga kala duwan ee degaanka badan ku leh Mareykanka.

Hanan Ashrawi, Xildhibaan reer Falastiin ah, ayaa isku soo dabariday safarka, kaasi oo ujeedkiisa ay ku tilmaamtay in caalamka uu arko nolosha dhabta ah ee ka jirta halkaasi.

Rashida Tlaib ayaa sidoo kale la sheegayaa in safarkeeda ay uga faa'ideysan lahayd in ay booqato reerkeeda ku nool Daanta Galbeed ee ay Yahuudu xooga ku maamusho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM