Yahuudi si ola lac ah u laayey qoys Falastiini ah oo xukun adag lagu riday

Image

TEL AVIV, Sudan – Maxkamad ku taala Israa'iil ayaa qof Yahuudi ah waxay xabsi daa'in ugu xukuntay in uu 2015-kii si ola kac ah u laayey qoys Falastiini ah oo uu ku jiro wiil 18 bilood jir ahaa waqtigaas.

Amiram Ben-Uliel, xukunsanaha, ayaa lagu eedeeyay in uu dab qabad-siiyey guriga ay ku noolaayeen qoyska Dawabsheh.

Bishii July sanadkii 2015-kii ayay dhacdey dhacdadaan foosha xun. Riham iyo Saad Dawabsheh si lamid ah wiilkooda yar ayaa lagu gubay guri ay ka deganaayeen xaafada Douma ee magaalada Nablus.

Israa'iil ayaa waqtigaas falkaas ku qeexdey "mid argagixiso"; balse mas'uuliyiinta Falastiin iyo kooxaha u dooda xuquuqul insaanka waxay Israa'iil ku eedeeyeen in aysan ciqaabin dambiileyaasha.

Gacan ku dhiigle Ben-Uliel ayaa dambiga qirtay bishii May. Wargeyska The Jerusalem Post wuxuu wariyey in qareenadda xukunsanaha ay sheegeen in ay rafcaan ka qaadan doonan xukunka adag.

Nasr Dawabsheh oo ka hadlay xukunka kasoo baxay maxkamadda ayaa sheegay in talaabada xeer-beegtada aysan ku filneyn dhibaatada dhacdey.

"Maxkamada Sare ee Israa'iil waa xagjirkaan ay kala noqotaa dhalashada isla markaana ay burburisaa gurigiisa sharcida darada ah ee uu ka dhistay Daanta Galbeed," ayuu kusoo gabagabeeyay.

Yahuuda ayaa si xoog ah waxay ku haysataa qaybo kamid ah dhulka Falastiin, halkaasoo muwaadiniinta Israa'iil ay si awood sheegasho ah ku degan yihiin, talaabadaas oo dunida Carabta ay cambaareysay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

  • Caalamka

    12-11-2025

  • 01:45PM

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM