Deni oo isbedel ku sameeyay qaar kamid ah hay'addaha Puntland

Image
Image
Image

GAROWE, Puntland – Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo Khamiis ah waxa uu isbedello kala duwan uu ku sameeyay qaar kamid ah hay'addaha dowladda Puntland.

Sidda ku xusan wareegto ku taariikheysan 4-ta July, Mr Deni ayaa xeer madaxweyne ku baabi'iyey Hay'addii Biyaha, Tamarta, Korontada iyo Kheyraadka Dabiiciga ah Puntland ee PSAWEN.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale Hay'addii Macdanta iyo Shidaalka waxa uu ka dhigay waax ka mid ah qeybaha ay ka kooban tahay Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha.

Dhanka kale, hogaamiyaha dowladda Puntland, Mr Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxa uu aas-aasey Wakaaladda Biyaha iyo wakaaladda korontada Dowladda Puntland.

Digreetada oo uu arkay warsidaha Garowe Online ayaa waxaa lagu shaaciyey in labadaasi wakaaladood ay siyaasad ahaan hoos tagi doonan Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha.

Dhamaan isbedeladan la sameeyay oo loo gudbiyay Laanta Fulinta ee dowladda Puntland ayaa waxay ku meel-mariyeen cod aqlabiyad leh kadib fadhigii todobaadlaha ahaa ee ay maanta oo yeesheen.

Talaabadan ayaa waxay kusoo aadeysaa xili uu sidoo kale madaxweynuhu magacii ka bedellay Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta taasoo lagu kordhiyey Arrimaha Dastuurka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM

Puntland oo Qabanaysa Shir Ku saabsan Dhismaha Dawladnimada Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa intaa ku daray, “Siyaasiyiintu mararka qaar waxay leeyihiin danahooda gaarka ah.

  • Puntland

    11-12-2025

  • 09:39AM