Gaas oo diidan qorshaha lagu xanibey gaadiidka ka imaanaya Koonfurta Somalia

Image

GAROWE, Puntland- Warar warsidaha GO ka  helayo madaxtooyada Puntland ayaa sheegaya in Madaxweyne Cabdiweli Maxamad Cali Gaas uusan ku qanacsaneyn qorshaha lagu joojinayo gawaarida xamuulka oo isaga kala gooshta gobolada Puntland iyo gobolada dhexe ee Somalia.

Xogtaan ayaa sheegeysa in Madaxweyne Gaas kulamo la qaatey maalmihii lasoo dhaafey Wasiirka gadiidka Puntland oo ah maskaxda ka  dambeysa joojinta gadidkaan.

Joojinta Gadiidkaan ayaa wararka laga helayo xubno ku dhow xafiiska madaxweynaha Puntland sheegayaan iney bilaabatey saameynta amarkaanu ku yeeshay dhaqaalaha maamulkaan ka heli jirey kaabayasha dhaqaalaha iyadoo hoos  u dhac wayn ku yimid ganacsiga guud ee gobolada Puntland.

Warsidaha GO oo dhowaan la yeeshay wareysi kooban madaxweyne ku xigeenka Puntland ayuu u sheegey in qorshaha lagu joojinayo Gadiidkaan hirgaley islamarkana hagaajiyey amniga gobolka.Halkaan ka akhri

Dhinaca kale xogtaan ayaa sheegeysa in madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamad Cali Gaas aad uga xumaadey amarka sheegeya in gadiidka ka imaanaya Koonfurta Somalia laga qaado taarikada Puntland [ No Plate] tasoo keeneysa in gadiidka xamuulka gobolada kale soo gali karin degaanada Woqooyi Bari gabi ahaanba.

Gadiidka Puntland ayaa marka uu u gudbayo maamulka Somaliland badasha taarikada halka gadiidka Somaliland ku xirtaan taarikada Puntland taasoo sahasha isu socodka ganacsiga.

Warsidaha GO ayaa fahansan in Madaxweynaha Puntland iyo ku xigeenkiisa isku khilaafsan yihiin amarka lagu joojiyey Gadiidkaan.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa talabadaan waxaa ku tageeraya Wasiirka gadiidka iyo gudoomiyaha Barlamanka.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM