​Gaas oo shaqadii u fasaxay Taliyihii Booliiska Puntland

Image

BOOSAASO, Puntland- Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Dowladda Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa shaqadii loogu fasaxay Taliyaha Ciidamada Booliiska Cabdulqaadir Shire Faarax (Ereg).

Qoraal kooban oo lagu muujiyay wareegtadaas ayaa lagu sheegay in Ereg uu sii wadan karo shaqadiisa kadib ku dhawaad 40 cisho oo uusan Shaqayn.

"Waxaa Dhammaan Hay'adaha ay warqadani tooska iyo ogeysiinta ya ugu socoto lagu wargelinaya in Shaqadii loo fasaxay Taliyaha Ciidanka Booliiska Dowladda Puntland Cabdulqaadir Shire Faarax (Ereg), maanta oo ay taariikhdu tahay October,7,2017." Ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Madaxtooyada Puntland.

27 August, 2017 ayaa Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo markaas ahaa kusii sime Madaxweyne shaqadii ka fariisiyay taliyaha kadib markii ay isku maandhaafeen arrimo la xariiray maxaabiis lagu xiray xabsiga Garoowe.

Lama oga sababta uu Gaas usoo celiyay Ereg oo markii hore si KMG ah booskan ugala wareegay Cabdirasaaq Afgaduud.

Balse tallaabadan ayaa kusoo beegantay xilli Gaas iyo Camey ku kala aragti duwanaadeen shirka Kismayo ee looga hadlayo Khilaafka DFS iyo maamul goboleedyada.

Camey oo hadda ku maqan dalka Zambia ayaa xilli uu ka dhoofayay Magaalada Garoowe ka horyimid kulankaas oo uu tilmaamay inuusan horseed u ahayn maslaxad Soomaaliyeed, halka Gaas iyo xukuumadiisa ay si buuxda u taageereen oo ay waliba sheegeen inay si buuxda uga qaybgalayaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM