Guddoonka Barlamanka Puntland oo caqabad kala kulmey mooshin

Image

GAROWE - Kadib markii warsidaha GO horey u shaaciyey Halkaan Ka Akhri, in xubno Guddoonka Barlamanka Puntland ka tirsan qorsheynayaan iney keenaan moonshin ay ku doonayaan magacaabista qayb ka tirsan guddiga xalinta khilaafaadka doorashada la filayo iney Puntland ka dhacdo 2019 ayaa waxaa soo kordhaya tirada Xildhibanada diidan inqilaabkaan siyasadeed.

Wararka warsidaha GO helayo ayaa sheegaya in Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Cali Gaas loolan siyaadeed kaga jiro qorshaha Guddoonka Barlamanka ku doonayaan iney ku keenaan mooshin siinaya awood ay ku soo magacaabaan qaar ka tirsan guddiga xalinta khilafaadka doorashada la filayo iney Puntland ka dhacdo bilowga sanadka 2019.

Guddoonka Barlamanka Puntland oo ay weheliyaan xubno ka tirsan guddiga joogtada ah ee aqalka wakiilada ayaa 24 saac ee lasoo dhaafey dadaal adag ugu jirey sidii ay ku heli lahaayeen 34 Mudane ay ku ansaxiyaan Barnaamijkaan siyasadeed.

Xildhibanada hurmuudka u ah barnaamijkaan ayaa wararku sheegayaan iney ku adkaatey iney gaaraan tiradaas iyadoo diidmo xoogan kaga timid inta badan mudanayaasha Aqalka Wakiilada kuwasoo fahmey qorshaha siyasadeed ee ku hoos jira mooshinkaan.

Mudanyaashaan ka tirsan Guddoonka Barlamanka ayaa sida warsidaha GO fahansan yahay waxaa ay xiriir qarsoon la leeyihiin musharaxiin qarsoon kuwasoo lacago ay kaga qaadeen in Guddiga xalinta khilafaadka loo soo magacaabi doono si ay ugu guuleystaan doorashada 2019.

Barlamanka Puntland oo weli ku guda jira Kalfadhigiisa ayaa iminka waxaa horyaala ansaxinta misaaniyada iyadoo ay jiraan warar sheegaya in Guddoonka raadinayaan in aqalkaan uusan Fasax galin tan iyo inta ay ka helayaan tirada Xildhibanada mooshinkoodu u baahan yahay iney ku ansaxiyaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM